U bood dhigaalka

Turkiga oo Dooranaysa Baarlamaan

Sheeko:Caalamka

Waxaa maanta dalka Turkiga ka dhacaya doorasho Baarlamaani ah, Waa middii Labaad muddo 5 bil ah, doorashadan ayaa timid kadib markii Xisbiga Talada haya ee  The Justice and Development Party ama AK uu ku guuldeystay in uu Aqlabiyad ka helo doorashadii bishii June.

Doorashadaas kadib, waxaa lagu Guuldareystay  dhamaan dadaalladii ku aadanaa in la dhiso xukuumad wagaad ah kadib markii ay sidaa dideen asxaabrii kale.

Turkiga waxaa dhibaato xagga amniga ah ku haya Kurdiyiinta iyo Kooxada Mayalka adag e Daacish, Lakin Erdugan waxaa uu sheegay in amniga wax badan ka qaban doono haddii xisbigiisa ku guuleysto.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan waxaa uu doonayaa in uu ku guulesyto dhamaan kuraasta Baarlamaanka oo gaaraya 550 si uu u sii jiro nidaamka Jamhuuriga ama Madaxweynimo.

Xisbiga Kurdiyiinya ayaa doorashadii hore waxaa uu helay 10%, taas oo carqaladeysay in xukuumad wadaag ah la dhiso.

Hadaba Maanta Recep Tayyip Erdoğan waxaa uu doonayaa in uu helo aqlabiyad si uu xukuumad xisbigiisa kaliya u dhiso.

Goobjoog News waxaa ay saacad walbo soo tabin doontaa doorashada.