U bood dhigaalka

Turkiga Oo Gaadiidka Gaashaaman Ku Wareejiyay Dowladda Soomaaliya

Sheeko:Caalamka

Sii haya Xilka Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda ayaa Maanta si rasmi ah ula wareegay Gaadiidka Gaashaaman oo Dowladda Turkiga ay ku deeqday Soomaaliya.


Munaasabad kooban oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho taas oo ay joobjoog ahaayeen Sii haya Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar-dambe ,Taliyaha Xoogga Jeneraal Odawaa yuusuf Raage iyo Safiirka Dowladda Turkiga u joogaa soomaaliya ayaana loogu wareejiyay gaadiid Gaashaaman oo ah nuuc casri ah .


Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo xoogan oo lagu dhisayo Ciidanka Xoogga Waxaana arimahaas barbar socda qalabeynta Ciidamada ,iyadoo qalabkan looga mahad-celiyay Dowladda Turkiga.

Sidoo Kale Eeg Sawiradda Qalabka Lagu Wareejiyay Dowladda Soomaaliya

Goobjoog News