U bood dhigaalka

Uganda: Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Kampala

Sheeko:Caalamka

Wararka ka imaanaya caasimadda Uganda ee Kampala ayaa sheegaya in goordhaw ay laba qarax oo xooggan ay ka dhaceen bartamaha magaalada.

Qaraxyada ayaa sababay burburka hanti fara badan iyo Dhimashada laba qof oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen toboneeyo dad rayid ah.

Muuqallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya gawaari fara badan oo ku gubaneysa goobta uu qarax uu ka dhacay.

Illa iyo hadda macadda kooxda ka dambeysay qaraxa, mas’uuliyiinta Uganda ayaa ku eedeyay koox aragagixiso ah oo ka dagaalanta Congo.

Bishii la soo dhaafay ayaa sidaan oo kale qaraxyo uga dhaceen gudaha dalka Uganda halkaas oo dad shacab ah ay ku dhinteen.

Goobjoog News