Ujeedka (Villa Soomaaliya) Ay Ka Leedahay Dacwadda Wariye “Gurbiye” Oo Dhibane U Ah Siyaasad Gurracan

Maanta oo ay taariikhdu tahay 14, bisha Luuliyo, waxaa maxkamadda Gobolka Banaadir looga ballansan yahay dacwadda Wariye Cabdicasiis Axmed ‘Gurbiye’ oo ah Tifaftiraha guud iyo agaasime ku-xigeenka Goobjoog Media Group. April 14, 2020 ayaa maxkamadda Gobolka Banaadir ay soo saartay waaran lagu soo qabanayo wariya. Waarankaa waxaa ku qoran in lagu eedanayo qodobka 220 ee xeerka Ciqaabta(XCS), oo ku saabsan Sharafta Madaxweynaha. Wariye Cabdicasiis waa la xiray, waxaana qaab damaanad ah lagu soo daayay 18 April, 2020. Mar kale ayaa maxkamadda Gobolka Banaadir looga yeeray 6 Luuliyo, iyadoo la bedelay qodobkii lagu soo eedayay markii hore oo loo bedelay Qodobadda 269 iyo 328 oo isla xeerka ciqaabta oo ka hadlaya ka been abuurka hey’do garsoor oo u muuqata in qodobkii Madaxweynaha la ceebsaday oo meelo kale si aamusintiisa  wariyaha qiil loogu helo!.

Waxaa is weydiin leh, maxay tahay sababta ka dambeysa ee madaxtooyada Soomaaliya ay u daba taagan tahay kiiska wariye Gurbiye oo ka mid ah wariyeyaasha fara-ku-tiriska ah ee si cilmi ah u soo bartay saxaafadda islamarkaana ku shaqeeya mihnadda saxaafadda, tusaale fiican u ah dhalinyaro badan oo saxaafadda barata. Dhalinyaradaa oo uu kala tali jiray iney dhowraan sharaftooda isla markaan ay ka feejignaadaan qaadashada “Sharuurka” oo ah wasakhda wariye kasta ka leexisa hadafka saaxafadda oo afhayeen u ah bulshada.  Hadaba, Marka aan dhan walba ka eegay waxaa ii soo baxay qodobbo aan is leeyahay waa kuwa ku riixaya Villa Soomaaliya inaaney ka harin dacwadda wariye Gurbiye.

  1. Baqdin Gelinta Saxaafadda Xorta Ah

Waxaan cidna ka qarsooneyn siyaasadaha ay xukuumadda N & N ku beegsatay warbaahinta oo qaarna ay lacag siiyaan kuwa kalena ay si gaar ah u beegsadaan. Xilidhaan Cabdiraxmaan Odowaa, oo 6 July bartiisa Facebook kusoo qoray hadal kooban oo uu kaga falcelinayo kiiska Wariye Gurbiye ayaa waxa uu yiri: “Kiis kaan iyo kuwa la mid ka ah ee lagu beegsanayo saxafiyiinta iyo hey’adaha warbaahinta madaxa banaan waa mid cabsi galin ah, laguna caburinayo saxaafada iyo Suxufiyiinta ku shaqeeya xaalad adag”. 

2.Marin Habaabinta Bulsho

Madaxtooyada Soomaaliya xilliyadii dambe waxaa looga bartay in buuq kasta  oo dhanka siyaasadda kaga furan ay dadka ku marin habaabiyaan iney ku furan arrimo kale oo ay ulajeedada kaga leexiyaan (killing political news on more interesting news). Sidaa darteed; waxaan ka baqayaa in kiiska wariye Gurbiye loo adeegsado dhanka siyaasadda oo xukunkiisa lagu soo beego xilliyo xasaasi ah si dareenka saxaafadda looga weeciyo arrimo kale oo masiiri ah oo dalka muhiimad gaar ah u leh, sida; arrimaha doorashooyinka.

3.Aargoosi Dadban

Wariye Gurbiye waxa uu si dhab ah uga hadli jiray xaaladda dalka ka jirta, kamana gamban jirin inuu tooshka ku ifiyo khaldaadka madaxtooyada oo si joogta ah uu bulshada ula wadaagi jiray, isagoo aan ka baxayn xayndaabka saaxaafadda.  Kiis bedelka dacwadda wariyaha ayaa muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay aargoosiga madaxtooyada  oo si kastaba dembi aanuu gelin u raadineysa wariyaha si ay u afqabtaan.

4.Baaritaan uu gacanta ku hayay oo ku aaddan musuqmaasuq la xiriira deeqihii caalamka ee (Covid-19) ee dalka soo gaaray

Inta aan Guribiye dacwaddan lagu soo oogin, waxa uu si wanaagsan bulshada ula wadaagayay wararka  Covid-19 oo marayay xilligaas meel xasaasi ah dadkuna ay aad ugu dhago taagayeen.  Daqiiqad kasta bulshada ayuu la wadaagayay xaaladda cudurka iyo gaabka dhanka dowladda ka si faafitaankiisa loo xakameeyo.  Lacago farabadan ayaa dowladda loogu deeqay oo cudurka lagula tacalaalayo, weli xisaab xirka lacagtaas lama hayo oo shacabka lala waadign. Wariye Cabdicasiir waxa uu ku howllanaa baaris musuqmaasuq la xiriira lacagihii deeqaha ahaa ee cudurkaa la dagaallankiisa dalka usoo galay. Waxaa muuqa in laga mashquuliyay wariyaha shaqadii uu bulshada u ahayay oo sida uu dastuurku qorayo xaq u leh iney xog helaan arrimaha dalka sida loo maamulayo si madaxda loola xisaabtamo.

Si kastaba,kiiska wariye Gurbiya ayaa carin ku ah saxaafadda xorta ah ee dalka, iyadoo ay jirto in Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uu  May 3, 2020 maalintii dunida iyo Soomaaliyaba  laga xusayey maalinta xorriyadda saxaafadda, ayaa waxa uu ballan qaaday in xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee duugoobay uu ku sameynayo dib u eegis, isaga oo intaa raaciyey inuusan ku habboonayn in lagu maxkamadeeyo wariyeyaasha, xukuumaddiisuna ay ka shaqeynayso sidii looga gudbi lahaa inaan xeerkaas loo adeegsanin wariyeyaasha. Laakiin dacwadda wariye Gurbiye oo loo adeegsanayo xeerka ciqaabta ayaa farta ku fiiqaysa in mar kale madaxweynuhu Ummadda Soomaaliyeed uga baxay ballanqaad uu sameeyo.

Xeerka ciqaabta waxaa la meel mariyay 1964tii, kamana turjumi karo duruufaha maanta ee dalku ku sugan yahay.

 W/Q: Khadar Xuseen Maxamed

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW