U bood dhigaalka

UK oo $18 Milyan Ku Bixineysa Wax Ka Qabashada Abaarta Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Ergeyga UK ee kahortagga abaaraha Nick Dyer, ayaa todobaadkan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho isaga oo si fiican u dhow u arkay malaayiin qarka u saaran iney abaarta darteed u dhinteen.

Mr Dyer ayaa ku dhawaaqay lacagta abaarta ugu talo galeen ay ku dari doonaan ilaa $8 million (£5.5 million) taas oo UK wax uga qaban doonto abaarta, lacagtan ayaa lagu kordhin doonaa Ilaa $10 million oo uu horay u sheegay in U.K wax uga qaban doonto abaarta wasiirka UK ee Vicky Ford , January 2022.

Lacagahan ay bixineyso UK ayaa waxaa wax looga qaban doonaa abaarta, qaarkood waxaa lagu bixin doonaa Kaash si loogu iibsado waxyaabaha ay dadka u baahan yihiin

Inta uu dalka joogay waxaa uu la kulmay Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo la sheegay in goobahooda ay ka jirto abaarta ugu badan, waxaa kale uu la kulmay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble.