U bood dhigaalka

UNHCR Oo Iska Fogeysay Eedeyn Uga Timid Human Rights Watch

Sheeko:Dalka, War

Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa iska fogeysay eedeeymo ay soo jeedisay hay’adda saldhigeedu yahay dalka Mareykanka ee xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch, waxayna UNHCR sheegtay in hay’ad ahaan iyo weliba dowladda Kenya lagu eedeeyey inay cabsigeliyaan qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya jooga si ay ugu laabtaan dalkooda.

Wakiilka hay’adda UNHCR ee dalka Kenya Raouf Mazou ayaa warbixin uu soosaaray ku sheegay in hay’adda ay si dhaw ula shaqeyneysay Kenya si loo xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda qaxootiga Soomaaliyeed waxaana loo heley xal ay si nabad iyo ammaan ah ugu noolaan karaan iyadoo ciddii dooneysa inay laabato ay iskeed u laaban karto oo aaney jirin wax qasab ah.

Hay’adda UNHCR iyo Kenya ayaa dib u celinaya qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool woqooyi bari Kenya gaar ahaan kuwa ku jira xerada Dhadhaab oo ah xerada qaxooti ee ugu weyn caalamka iyadoo hadda ay hooy u tahay 300,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah, kenya ayaana sheegtay inay xireyso xerada bisha November sababo ammaanka dalkeeda la xiriira.

Xerada Dhadhaab ayaa la aasaasay Laabatan sano kahor si ay gabaad uga dhigtaan qaxootiga Soomaaliyeed oo markaasi kasoo cararayey colaad iyo qilaafaadyo.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in Kenya aysan siineyn qaxootiga Soomaaliyeed doorasho dhab ah taas oo ah inay noqdaan ama joogaan, iyadoo weliba qaabka celinta qaxootiga ay u mareyso Kenya uusan waafaqsaneyn nidaamka caalamiga ah ee lagu celiyo qaxootiga.

Hay’adda Human Rights Watch waxay sheegtay in qaxootiga ay sharaxaad ka bixiyeen hanjabaado uga yimid dowladda Kenya, hay’addu waxay sheegtay in qaxootiga aaney helin fursad ay ku sameyn karaan sida ayagu ay doonayaan weliba ogaal la’aanta xaaladda dalkooda.

Human Rights Watch waxay intaas ku dartay in qaxooti badan oo ku nool xerada Dhadhaab inay qorsheynayaan iney dib ugu laabtaan Soomaaliya sababtoo ah waxay cabsi ka qabaan in ay si qasab ah dalka uga saarto haddii ay sii joogaan, hay’adda ayaa sidoo kale ku eedeysay UHNCR in aysan siin qaxootiga warbixin sax ah oo ku saabsan xaaladaha ammaan ee ka jira dalka Soomaaliya.

UNHCR oo dhankeeda warbixin ay uga jawaabeyso eedeymaha loo soo jeediyey ayaa sheegtay in qaxooti kasta oo laabanaya aan la qasbi doonin balse uu isagu g’aanka gaari karo dib u laabashadiisa “waxaana dhammaanteen isla garaney in dib u celinta qaxooti ay noqoto mid xor ah oo ay iskood u laaban karaan sidaa daraadeed eedeymahaas waxba kama jiraan”.

Warka ka soo baxay UNHCR waxaa lagu caddeeyey in hay’addu ay ka go’an tahay xaqiijinta in qaxootiga Soomaaliyeed ay helaan warbixin ku filan oo ku aaddan xaaladda dalkooda ay asal ahaan ka yimaadeen waxaana awoodna loo siiyo go’aanka ay dib ugu laabanayaan inay iyagu leeyihiin.

“Waxaan si joogto ah kulamo ula yeelanaa qaxootiga waxaan sidoo kale idaacadaha u marinaa farriimo Ingiriis iyo Soomaali ah oo aan ku sheegeyno in celinta qaxootiga aysan ahayn mid qasab ah ayna tahay dib u celin iskood ay laabanayaan” ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay UNHCR

“Waxaan sidoo kale xoojineynaa caawinaadda aan ka geysaneyno qaxootiga laabanaya ee xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee kenya inagoo si dhaw ula shaqeyneyna saaxiibadeen iyo dhiggeena Soomaaliya jooga si ay u bixiyaan” warbixinadii ugu dambeeyey ayaa lagu yiri war kasoo baxay hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay UNHCR

UNHCR waxay sheegtay in markii Kenya ay go’aansatay xarigga xerada Dhadhaab in kumanaan qof oo qaxooti ah ay isdiiwaangeliyeen iyagoo doonaya inay dib u laabtaan in badan oo ka mid ahna si iskood ah ayey ku laabteen Soomaaliya.

“shantii sano ee la soo dhaafay qaxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab ku jira ayaa hoos u dhacayey sida warka kasoo baxay UNHCR lagu sheegay”

Hay’adda UNHCR waxay hoosta ka xariiqday dhibaatooyinka haysta kenya iyadoo la tixgelinayo xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka jooga, dowladda kenya, UNHCR iyo Soomaaliya ayaa horey u dejiyey qorshe dib loogu celinayo qaxootiga Soomaaliyeed pp tiradooda lagu sheegay 150,000 oo qof dhamaadka sanadkan 2016-ka.

Goobjoog News