U bood dhigaalka

Ururka Midowga Africa oo Magacaabay Ergo Xalisa Colaadda Itoobiya

Sheeko:Caalamka

Ururka Midowga Africa ayaa isku dayaya in xal waara laga gaaro xiisadda ka taagan Waqooyiga wadanka Itoobiya gobolka ku yaalla, halkaas oo ay isku hayaan dowladda federaalka ah iyo ururka gobolka Tigree la yiraahdo TPLF.

Madaxweynaha wadanka South Africa Cyril Ramaphosa  oo hadda ah hooggaamiyaha midowga ah Africa ayaa xubno u magaacay suurta galnimada waan waan laga dhex bilaabo labada dhinac ee is haya ee dowladda iyo TPLF.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa ay ka yihiin Johnson-Sirleaf, madaxweyne ka soo noqotay Liberia,Joaquim Chissano, madaxweynahii hore ee Mozambique iyo Kgalema Motlanthe Madaxweynahii hore ee South Africa.

Shaqada xubnahaan ayaa waxaa ay tahay in dhammaan xubnaha is haya ay qeyb ka noqdaan is aragtida khilaafka lagu dhameystiraayo laguna abuuraayo jawi wadahadal qaran oo loo wada dhan yahay iyo soo celinta xasiloonida.

Wadanka Itoobiya ayaa ayaa waxaa dagaal uu ku dhexmarayaa ciidamada dowladda federaalka iyo xooggaga TPLF ee dagaalka kawada Waqooyiga ciidamada ayaana ku sii durgaya deegaanno badan oo Waqooyiga dalka Itoobiya ah.

Goobjoog News