U bood dhigaalka

Ururrada Bulshada isku ra’yiga Oo Baaq Nabadeed Ka Soo Saaray Khilaafka Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Ururrada Bulshada isku ra’yiga oo  ah ilaa  40 urur oo ururrada haweenka ah, kana howlgala 11 gobol oo dalka ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku aadan khilaafka golaha shacabka iyaga oo ku taliyay in loo daneeyo shacabka, lagana fogaado wax kasta oo khatar-gelin kara geedi-u-socodka hannaanka dowladinomo

Baaqan ururradan ay soo gaarsiiyeen Goobjoog News, oo aad u dheeraa, waxaa ka mid ahaa

  1. In loo daneeyo shacabka abaaraha iyo nabadgelyo la’aanta hareeyeen.
  2. In laga fogaado wax kastoo horumarka dimuqaraadiyadda dadka iyo dalka wax yeeli kara.
  3. In madaxda qaranka oo ah kuwa lagu aaminay aayatiinka dalka iyo dadka ay ka soo dhalaalaan doowrkooda.
  4. In Madaxweynaha oo ah qof aad u daneeyo nabad ku wada noolaashada dadka iyo xasilloonida dalka ahna ilaaliyaha dastuurka uu arrintaan si toos ah u soo dhax galo.
  5. In la soo dhaweeyo lana qaddariyo samawadayaasha ku howlan dhexdhexaadinta iyo aslaaxinta xaaladaha cakiran.
  6. Ugu dambeyntii ururrada waxay ummadda Soomaaliyeed ka dalbayaan, in maalmaha foodda inagu soo haya ay baryada Alle badiyaan, si loo helo xasillooni iyo nabad waarta.

Goobjoog News