U bood dhigaalka

User Submitted Post

Sheeko:War

TAARIIQDA ABWAAN HADRAAWI OO KOOBAN
Laga soo bilaabo dhalashadii murtida hadraawi oo la kowstay raad dhaqaajintiisii ilaa maanta oo uu yahay oday ruugcadaaya, waxa la isweydiinayey wax ku saabsan suaalo ka dhasha murtida maankiisa ka soo maaxanaysa. In badan ayaa qof waliba sida uu isagu doono u fasiranayey isagoo aan ka warqabin duruufihii ay xikmadaasi ku timi. Waxa timi baahi weyn oo loo qabo bal in mar uun la isdultaago oo la fududeeyo, la fasiro, la sharxo, oo la fahamsiiyo dadka waxa abwaankani sheegayay mudo ku dhow nus qarni. Baahidaasi waxay sii balaadhatay oo oodaha jabsatay laga soo bilaabo tobanlihii ina dhaafay, markii abwaanku gudagalay suugaanta loo yaqaan maaansada run ku sii drugga ah.
Baahida kor ku xusan waxaan odhan karaa waxaa keenay saddex sababood oo kala ah:
• Suugaanta abwaanka oo ka soo maaxata badaha kala duwan ee ay ka ka dhalato murtida somaalidu, sida badda gabayga, geeraarka baalcadaha, jiiftada, dhaantada, batarka iwm. oo qofkii murtida gabay ka yaqaanay ay ku adkaanayso inuu la socda mid jiifto ah.
• Suugaanta abwaanka oo badiba aad u dhaadheer oo ay adagtahay in lala socdo ujeedada ay leedahay iyo halka ay ku biyo shubmayso. Iasgoo weliba hal maanso ku xalila mushkilado badada, tusaale ahaan Sirta Nolosha.
• Abwaanka oo ku bineeya suugaantiisa weedho iyo cibaarooyin adag oo aad marmarka qaar aad moodo inuu la hadlayo dadka isaga la afsomaaliga ah, la wacyiga ah, la da`da ah.
Tusaale ahaan beyd ku jira maansad waxyi wuxuu leeyahay ”waageerka hoosiyo waaheel korsare sudhan Marka laysu kala waco ninka labada waaxood danyarweshadaan ahay” way ku adagtahay inuu qof dhalinyaro siday tahay u fahmo.
Curashadii Buuga Hal Ka Haleel:
Waxaan ka mid ahaa dadkii sugayey buugaas aadna wey iigu dheeraadeen ayaamihii yaraa ee u dhexeeyey markii aan ogaaday in buugasi soo foolleeyahay iyo intii uu igu soo gaadhayey, Waxaan deganahay Sweden markaa Booskasta oo ii timaada waxaan ka eegayey buugaas. Markii uu isoo gaadhay waxaan gudagelay akhris degdeg ah, dabdeed haddana waxaan bilaabay inaan si degan u akhristo buugaas.
Rajda aan ka lahaa in buugaasi noqon doono mid si waaqiciya loo qoray oo caadifad laga fegeeyey, waxa dhinac socotay cabsi aan ka qabo inay qoraaga jiidato saaxiibtinimadii ka dhaxaysay isaga iyo abwaanka. Oo qoraagu ka leexleexdo dhaliilaha saaraan maanso socotay nus qarni. Markiib waxaan akhriyey meelihii aan islahaa waxa saaran dhaliilaha ugu culus oo ay ugu horaysay heesta Todobaatan midabley. Markii ay ii Cadaatay in Maxamed Baashe X. Xasan qoraaga buugu uu ku dhac u yeeshay inuu falaanqeeyo dhaliilaha waaweyn waxaa ii sii macaanatay akhriskii buuga waxaana kor u kacay xiisihii aan u hayey.
Buugii hal ka haleel
Buugani guud ahaan wuxuu ka kooban yahay 303 bog, wuxuu u qaybsmaa laba qaybood oo waaweyn kuwaasoo kala ah maansadsadii hadraawi min bilaw ilaa laga soo gaadhjayo 1990, maansada hadraawi ee qoraagu u bixiyey Run ku sii durugga oo ah laga soo bilaabo wixii ka dambeeyey 1990. Labadaa qaybood mid waliba xiiseheeda ayay leedhay.
Qaybta kowaad
Waxay ka bilaabantaa Buuga oo uu u hibeeyey laba nin oo agtiisa ku qaali ah oo kala ah Rashid x.cabdillaahi (Rashiidgadhweyne), waan ninka qoray gogoldhiga buuga Hal Karaan, iyo Maxamud Cabdi Cali Beyr oo aan magiciisa ku xasuusto idaacadii Radio Halgan. Hordhac iyo Mahadcelin ka dib waxaa qoraagu gudagelayaa soo bandhigida taariikhdii hadraawi oo mawduucaa dhexdiisa uu ahkristuhu kala bedelayo nololo kala jaad ah iyo duruufo kala duwan, hadraawi oo yar, isagoo rajoobey, isagoo caruurnimo cadan lagu geeyey, duruufihii la xidhiidhay isbedelka labada nololood. Waxa akhristuhu milicsan karaa magaca Hadraawi iyo sidii uu ku baxay iyo dhalashadii hal abuurnimada abwaanka.
Fankii Hadraawi
Waxaa uu Maxed Baashe soo bandhigay midhihii ugu horeeyey ee Hadraawi afkiisa ka tiriyey, iyo maanso uu isgoo caruur ah hooyadii ugu baroor diiqay markii ay xijaabatay.
Qoraagu wuxuu siday u kala horeeyaan isoo bandhigayaa ruwaayadihii uu abwaanku sameeyey ee caanka noqday, isagoo ka soo bilaabayo Hadimo oo la dhigay 1966, lagana dhigay magaalada Cadan. Riwaayadaha kale ee la magaacabay waxaa ka mid ah Reer bawàw yaa ku leh, Aqoon iyo afgrad, iyo Tawaawac. Wuxuu qoraagu magacaabayaa oo maansooyinkii Hadraawi ee caanka noqday sida kuwii uu ku lahaa silsiladiihii siinleey iyo Deeleey, waa ay socotaa wali bbbbbbbby C/laahi ahmed siyaad AASHAA, hargaysa
Tell: 0615189327/ 0699990301
xigasho wekepedia