U bood dhigaalka

User Submitted Post

Sheeko:War

MUQDISHO IYO GAROONKII LABAAD EE COWSKA MACMALKA LA DHIGAYO
Waxaa garoonka kubadda cagta ee Jaamacadaha oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ka socota howl ballaaran oo ku aadan in la dhigo cowska macmalka ah.
Garoonkan ayaa lagu qabtay dhowr horyaal iyo koobka Jeneraal Daa’uud intii dagaallada ay ka socdeen Muqdisho sannadihii ugu dambeeyay.
Wuxuu ku yaallaa goob muhiim ah oo magaalada Muqdisho ka tirsan waxaana hadda ka socota dhismo iyo diyaar-garow.
Sidda ay lee yihiin xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, garoonkan ayaa dhawaan lagu qaban doonaa horyaalka Soomaaliya iyo cayaaraha kale ee dalka.
Waa garoonkii labaad ee la dhigo cowska macmalka oo ku yaalla Muqdisho, balse waxaa sheegis mudan in garoonka caanka ahaa ee Muqdisho uu weli u yahay xarun ciidan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxaa keenay in la qalabeeyo garoon kale iyadoo garoonka Muqdisho oo ka casrisan kana qurux badan garoomo badan oo Afrika ku yaalla in uu maanta yahay xarun ciidan iyadoo dalka ay ka jirto dowlad rasmi ah.
Ugu dambeen qormadan gaaban waxaan ku soo gabagabeen lahaa, ammaan aan u diraayo xirirka kubadda cagta Soomaaliya oo wax badan ka qabtay cayaaraha dalka in kastoo weli dhaliilo ay dul saarantahay.
Fadlan aragtidaada ila wadaag
Mahadsanid
W/Q: Mohamedkafi Ali Momin