U bood dhigaalka

User Submitted Post

Sheeko:War

Waa maxaay siyaasad
Waxa ugu fudud ee dadkeena Soomaaliyeed ay waqtigan ka hadlaan waa Siyaasadda iyo Isboortiga, inkastoo Siyaasadda ay tahay cilmi la barto, iyo waayo aragnimo ama fan, hadana waxaad arkeysaa umadii oo dhan oo kawada hadleysa siyaasada.
Siyaasada iyo Diblomaasiyada waxaa u dhaxeeya farqi weyn, hadana waxaad arkeysaa in ruux walba uu ka hadlayo Siyaasada, qof kastana uu dhankiisa weedaanta ka darsanayo.
Dhakhtarka, Ganacsadaha, Saxafiga, ma noqon karaan shakhsiyaadkaasi Siyaasi.?. inta aanan ka jawaabin su’aashaasi aan marka hore helno macnaha waxa loogu yeero siyaasad.
Dadka qaar waxay yiraahdaan Siyaasadda waa Fanka Waxa dhici kara, haseyeeshee aniga ahaan waxaan u arkaa inay jawaabtaasi tahay mid dahsoon oo qaab siyaasadeed ama diblomaasiba loo adeegsaday, sidoo kale waxaad arkeysaa qaar ku dhahaya siyaasada waa Khiyaano, “Political is cheeting”, tani oo u dhow macnaha saxa ah ee siyaasada, hadana ma’aha mid sax ah.
Aan tibaaxno waxay ka yiraahdeen siyaasiyiintii hore, masalan Musiliini wuxuu yiri siyaasadda waa fanka lagu xukumo dadka, Makiyafili ayaa isna ka deyriyay siyaasadda isagoo ku tilmaamay in ay tahay mid wadooyinka xun xun u bareereysa in loo isticmaalo Ujeedada la leeyahay.
Waa maxay Siyaasad…?
Hadii aan qeexno siyaasad waa Cilmi lagu barto Jaamacadaha culuunta Siyaasada, ama aan dhahno ilaalinta ama daryeelka arimaha gudaha iyo dibadda ee shacab iska leeyahay, ama waa daraasada maamulka ay dowladi ku dhaqanto si ay u ilaaliso danaheeda, sidoo kale waxaa la oran karaa waa Dhagarta ama khiyaanada ay dowladaha isticmaalaan.
Laakiin aan isweydiinee yaa noqon kara Siyaasi.?
Mar hadii aynu ogaanay micnaha kooban ee siyaasada waxaa noqon kara oo aan kusoo koobayaa laba ruux oo keliya:
1- Ruuxa uga soo baxay Jaamacad, soona dersay siyaadaha guud ee dowladaha caalamka.
2- Ruux in mudo ah ku dhex jiray siyaasadda dowladda, islamarkaana kaashanaya waaya aragnimo.
Labadaas ruux wixii ka baxsan wax shaqo ay ku leeyihiin siyaasad marna majiro, ee waa siyaasi booc booc.
by: c/aahi ahmed siyaad aashaa