Villa Somalia: Khilaafka labada Aqal ee BFS Iyo Saamileyda Siyaasadda  Ma Farsamo Xumo Mise Hoggaan Xumo.

Soomaaliya waxay wajaheysaa xilli doorasho waxaana dhow muddo xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee dalka, dadweynaha iyo saamileyda siyaasadda waxay sugayaan qorshaha doorashada iyo mowqifka hoggaanka talada haya.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinga qaran ee madaxa-bannaan Xaliimo Ismaaciil oo ka hor hadashay Golaha Shacabka ayaa tiri “waxaan caddeyneynaa in doorashada ku dhacayso nuuca biometric ah inay ku qabsoomi karto muddo 13 bilood ah kana billaabaneysa July 2020 kuna dhammaaneysa August 2021”.

Cilmi-baareyaal iyo falanqeeyaal siyaasadeed oo hadal jeedinta Xaliimo faaqiday ayaa ku soo hooriyay in ay ka dhigan tahay in dalka doorasho qof iyo cod ah ayna ka dhici karin, loona baahan yahay in laga tashado hannaanka doorasho ee dalka ka dhici karta 2021.

Mar walba oo doorasho loo baxayo  waxaa la xalliyaa oo la dhammeeyaa khilaafka siyaasiga ah ee abuurma muddada uu hogganka talada haya soo maamulayay dalka si loogu midoobo hannaan doorasho, loona aado doorasho ay qeybaha siyaasadda ka mideysan yihiin.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo intii uu hayey hoggaanka dalka waxaa khilaafyo siyaasadeed dhex mareen maamullada dalka, afhayeennada baarlamaanka, madaxtooyada iyo hoggaanka mucaaradka oo ay ku jiraan madaxweyneyaashii soo maray dalka.

Dhawaan ayuu khilaaf siyaasadeed u baaqday shirka Golaha Amniga oo uu madaxweynuhu ku casuumay Muqdisho madaxda maamul goboleedyada. Si la mid ah waxaa khilaaf ku kala maqan guddoomiyaasha labada gole ee baarlamaanka waxaana hakad galay diyaarinta sharciyada doorashada.

Si loo helo heshiis siyaasadeed iyo mid doorasho yey ahayd inay qaadato hoggaaminta?

Talada Hannaanka Doorashada

 Si looga tashado hannaan doorasho ee dalka ka dhacda waxaa qaatay hoggaminta wadatashiga dowlad goboleedyada, waxayna maamul goboleedyada dalka shir wadatashi ah isugu yimaadeen Galmudug  iyagoo ka soo -saaray war saxaafadeed nuxurkiisu ahaa labo qodob:-

 

  1. In doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021 ay ku dhacdo waqtigeeda, aysanna imaan wax muddo kordhin xileed ah.
  2. Shirku wuxuu ku baaqayaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah ay shir wada-tashi ah isugu yimaadaan si ay uga wada arrinsadaan tubta farsamo ee qabsoomidda doorashada Dalka ee 2020/2021.

 

Maalin ka hor furitaanka shirka wadatashiga maamul goboleedyada, waxaa shir ay golaha wasiirrada Soomaaliya yeesheen hadal ka jeediyay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyrre oo yiri “waxaan ku guda jirnaa  xilligii doorashada sida wasiirrada badankood sheegeen oo ay tahay in doorashadu ku dhacdo jawi midnimo iyo mid wadatashi si aan u xaqiijinno rabitaanka shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, shirka golaha wasiirrada waxaa ka soo baxay maanta marka in golaha wasiirradu ay si joogta ah uga shaqeeyaan dardar-gelinta fududeynta sidii ay ku dhici lahayd doorasho ay ummadda Soomaaliyeed isla oggoshahay”. Villa Somalia ayaa iyana warqad ay soo-saartay ku taageertay hadal jeedinta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

 

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa aqbashay casuumaadda ka soo baxday shirka wadatashiga dowlad goboleedyada waxaana Dhuusamarreeb tagey Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyrre, iyadoo la filayo inuu madaxweynuhu gaaro Dhuusamarreeb.

Xallinta Khilaafaadka.

 Khilaaf siyaasadeed oo ka dhaxeeya Villa Somalia, Baarlamaanka, maamullada iyo asxaabta siyaasadeed ayaa hareeyay dalka saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaana madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga fadhiyay inuu xalliyo khifaadka siyaasiga ah si dadku uga heshiiyo hannaanka doorasho ee dalka 2021.

Aqalka Sare warqad uu soo-saaray taariikhdu markii ay ahayd 24-06-2020 ayuu ku sheegay in guddoonka aqalka hoose ka been sheegay xeerarka doorashooyinka oo ay isla soo diyaariyeen guddi ka kooban labada aqal, isla markaana meesha laga saaray doorka aqalka sare.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal oo u jawaabayay warqadda Aqalka Sare ayaa yiri “doorashooyinka iyo guddiga diiwaan-gelinta, sharciga axsaabta siyaasadeed sharuucdaas golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa iska leh. Waxaan rabaa mid in aad ku baraarugtaan maaddaama uu dastuurkannagu ku jiro dib u eegis haddana uu ka dhaxeeyo khilaaf Golaha Shacabk iyo Aqalka Sare annaga waxaan go’aansannay in si loo helo wadajir Aqalka Sare wax uusan siineyn dastuurka aan dhahno nagala shaqeeya laakiin qodobka 47 markaa akhrisaan aqalkan (golaha shacabka) ayaa iska leh shaqadaas”.

Aqalka Sare oo ka jawaabay hadalka guddoomiye Mursal ayaa 07-07-2020  soo-saaray warqad ciwaan looga dhigay  “raacsiin go’aankii guddoomiyaha Aqalka Sare ee soo baxday 24/06/2020 kuna saabsaneyd been abuurkii laga sameeyay afartii xeer ee ay soo diyaariyeen guddigii wadajirka ahaa ee labada aqal BFS” ayna ku sharraxeen doorka Aqalka Sare, ayaa lagu yiri:-

“Iyada oo la tixraacayo go’aankii guddoomiyaha Aqalka Sare ka soo baxay 26/06/2020, kuna aaddanaa;

  1. Been abuurkii lagu sameeyay xeerarkii ay guddigii wadatashiga ee BFS u soo gudbiyeen guddoonka labada aqal ee BFS kuna saabsanaa dhammeystirka sharciga doorashooyinka qaran ee heer federaal.
  2. Inay wax-ba-kama-jiraan yihiin afarta xeer ee qabya-tirka u ahaa sharciga doorashooyinka qaranka ee heer federaal haddii aan la waafajin habraaca xeer dejinta dalka.
  3. Inta laga saxayo xeerkaas, in guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka qaranku aysan xeerarkaasi u isticmaali karin doorashooyinka qaranka”.

Si loo dhammeeyo khilaafka ka dhex jira hoggaanka sare ee labada gole ee BFS, maamullada iyo dowladda dhexe ayaa  waxaa kulammo gooni gooni ah la yeeshay guddoomiyaasha baarlamaanka, madaxweyne Farmaajo, axsaabta siyaasadda iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada   hoggaamiyaasha bulshada rayidka ah. Waxaan wali muuqan dhaqdhaqaaq dhex dhexaadin oo ay isku hawshay Villa Somalia.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW