U bood dhigaalka

Waa Goorma Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Iyo Ku Xigeennadiisa?

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonnka golaha shacabka ayaa kulankoodii Labaad oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay maanta ku doorteen guddoomiye oo ay u doorteen Xiildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle, ku xigeen oo ay u doorteen Sacdiyo Yaasiin Xaaji, waxaana ay xoghaye u doorteen Xildhibaan Aadan Isaaq Cali.

Guddiga ayaa isku qeybiyey Labo guddi hoosaad kuwaa oo kala ah:-

Guddi Hoosaadka diiwaangelinta Musharraxiinta

Guddig hoosaadka shaqada guud iyo Maaliyada.

Guddigan ayaa sidoo kale ku dhowaaqay in 11-ka bishan la qaban doono doorashada guddomiyaha golaha shacabka, halka ku xigeennadana la dooran doono 12-ka bishan.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka guddiga:

warsaxaafadeed

Goobjoog News