U bood dhigaalka

Waa Kuma Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, Akhriso Loolankii uusoo Galay 30-kii Sano ugu Dambeysay?

Sheeko:Baarlamaanka

Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku guulaystay guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka federalka Soomaaliya, doorasho ka dhacday Teendhada Afisyooni ee xerada Xasan, waxaana la isla gaaray wareegga labaad ee doorashada, waxaana  uu kusoo baxay 163 cod, halka musharraxii kale uu helay 89 cod.

Waa kuma guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka 11-aad

Sheekh Aden Madoobe, waxaa uu dhashay  Xudur oo ka tirsan Bakool 15 April 1956, waxaa uuna siyaasadda ku jiray rubuc qarnigii tagay isaga oo ku xigeen ka noqday jabhadda xoreynta Raxanweyn ee RRA, waxaa uuna muddo dheer olog la ahaa Itoobiyaanka.

Markii Carta lagu dhisay dowladdii TNG ee madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxaa ka hor yimid oo mucaaraday xukuumadda Salaad dhammaan hoggaamiye kooxeedkii, laakin waxaa ay RRA ku eedeysay Aadan inuu ka baxay jabhadda, oo uu la shaqeeyo maamulka Cabdiqaasim Salaad.

January 2005, dowladdii TFG-da ee madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa ka dhigtay wasiirka cadaaladda. Xaabsade iyo kuwa ka tirsan hoogaanka RRA ayaa mar kale ku eedeeyey Madoobe inuu weerar ku ahaa caasimadda maamulkooda ee Baydhabo, isaga oo la shaqeeyo madaxweyne Cabdullahi Cabdullahi, waxaa uuna ka mid ahaa saraakiishii dowladda TFG geysay magaalada Baydhabo, isla markaana martigelisay.

Markii kalsoonida lagala noqday afhayeenkii baarlamaanka ee TFG-da Shariif Xasan Sheekh Aadan, Sheekh Aadan Madoobe ayaa noqday guddoomiyaha baarlamaanka  January 31, 2007, xilliyadaasi eedeymaha loo heystay waxaa ka mid ahaa inuu xiriir la lahaa islaamiyiinta, gaar ahaan maxaakiimta Islaamka.

29 December 2008, markii uu iscasilay madaxweynihii Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed, kadib markii ay isku dhaceen ra’iusl wasaare Nuur cadde, waxaa madaxweyne KMG ah noqday Aadan Madoobe.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaa afhayeen xukuumadda ayaa sidaasi ku sheegay war saxaafadeed uu qabtay, waxyar kadib is casilaadda Cabdullahi Yuusuf.

April ilaa May 2010, waxaa uu khilaaf soo kala dhexgalay Adan Madoobe iyo ra’isul wasaare cumar Cabdirashiid, taas oo soo dedejisay in Madoobe meesha ka baxo.

Jagooyinka kale ee xukuumadda uu ka qabtay waxaa ka mid ahaa isaga January 2014, noqday wasiirka warashada iyo ganacsiga,

Sheekh Aden Madoobe  waxaa uu qeyb ka ahaa dhismaha maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo u doodayey deegaanno ay ka mid yihiin Ceel Barde, isaga oo yiri “ Ceelbarde waxaa degan  4 Beel, isla markaana aanay hal beel dhihi Karin ma rabo, ma jirto dhul la rari karo,  Ceel Barde waxay ka mid tahay  Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed”.

Haddaba, marka intaasi aan soo sheegnay laga soo tago, fadlan hoos noogu reeb ra’yigaada fursadaha uu heysto, lana soco musharaxiinta kale.

Goobjoog News