U bood dhigaalka

Waa kuma Mahdi Guuleed Khadar

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho lagu doortay kursigii ugu horeyay ee xildhibaanada golaha shacabka ee BJFS.

Kursigan oo ay kuwada tartamayeen musharixiinta kala ah Mahadi Maxamed Guuleed Khadar  iyo Mushtaaq Ibraahim Yusuf.

Mahdi Maxamed Guuled oo ku soo baxay kursiga ayaa helay 97  cod, halka Mushtaaq Ibraahim Yuusuf ay heshay 3 cod.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa shaaciyay natiijada doorashada kursiga Hop#239 oo uu ku soo baxay Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Waa kuma Mahdi Guuleed Khadar

Mahdi Axmed Guuleed /Khadar: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen , Waxa uu soo jeedaa Hargeysa, Xubin ayuu ka ahaa guddida doorashooyinka Somaliland 2009-kii, waxaa uu noqday la taliyaha sharciga ee guddida doorashooyinka Somaliland iyo Operation Director, Sidoo kale waxa uu hay,adda UNDP kala shaqeeyey sharciga/ Rule of law.

Dhanka waxbarashada, Sharciga ayuu ka bartay jaamacad Ethiopia ku taalla, isaga oo Master ka qaatay Oil Protection agreements, Waxa uu noqday madaxa kuliyadda sharciga ee Jaamacada Hargeysa, Hadda waxa uu shahaada PHD ka diyaariyaa jaamacada UN ee Peace University Addis ababa/ Waana xildhibaan laga soo doortay Somailand, hada waxaa loo magaacabay ra’isul wasaare ku xigeen.
Mahdi guleed ayaa sidoo kale noqday ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Farmaajo afartii sano ee la soo dhaafay.
Hadda waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee baarlamaanka 11-aad.
Goobjoog News