Waa Maxay Shaqada Baarlamaanka FS? Miyeyse Gutaan Waajibaadkooda?

Ereyga ‘Parliament’ oo ah erey asalkiisu yahay Faransiis macnihiisuna noqonayo “Hadal ama dood” ayaa waqtiyadan casriga ah lagu macneeyaa inuu yahay ‘Sharci-Dejiye’. Marka laga hadlayo qaabdhismeedka Dawladda ee soo jireenka ah, Baarlamaanku waa qayb ka mid ah saddexda qaybood oo ay dawladdu ka kooban tahay. Labada kale waa Fulinta iyo Garsoorka. Sababta ugu weyn ee dawladda loogu qaybiyey laamahan ayaa lagu sheegaa inay tahay ‘Is-Dheeli-tirid’ ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Check and Balance” taas oo haddaan si fudud u sheegno ka dhigan in shuruucda lagu dhaqmayo ay dejiyaan Baarlamaanka, Xukuumaddana ay fuliso halka Garsoorkana uu hubiyo in sharciga loogu dhaqmo sidii la rabey.

Shaqooyinka Baarlamaannada waddamada caalamka inta badan waa isku dhow yihiin, inkastoo ay ku kala duwan yihiin saameynta ay ku leeyihiin xukuumadda oo haddii nidaamka waddan u degsan uu yahay mid Baarlamaani ah ay Xukuumaddu toosin iyo u igmasho shaqo ay Baarlamaanka uga danbeyso. Guud ahaan shaqooyinka Baarlamaanka waxaa ugu waaweyn shan shaqo oo kala ah:

  • Kormeerka iyo toosinta shaqada Xukuumadda (ayagoo Guddiyo isu qaybinaya),
  • Ansixinta Barnaamijka Xukuumadda oo ay ku jirto Miisaaniyadda,
  • Saameynta iyo wax ka beddelka Shuruucda oo uu ku jiro Dastuurka,
  • Matalaadda Shacabka iyo deegaan doorashada iyo
  • Ka doodidda arrimaha muhiimka ah ee maalin laha ah ee dalka ka jira

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay leedahay Baarlamaan Federaal ah oo ka kooban laba Aqal (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare) oo leh awoodo iyo shaqooyin la mid ah kuwa Baarlamaannada adduunka ee kor ku xusan. Ujeedada labada Aqal oo inta badan loo sameeyo waddamada Federaalka ayaa ah in la helo dheelli-tirnaan dhanka shaqada sharci dejinta iyo matalaad shacab iyo siyaasaddaba leh. Dastuurka sida KMG loo ansixiyey 2012 ayaa qodobadiisa 69aad iyo 71aad ku caddeynaya waajibaadka Aqal walba uu gaarka u leeyahay iyo midka ay wadaagaan (Inkastoo aaney u kala caddeyn si fiican habraaca wada-shaqeynta balse la filayo in Dastuurka dib u eegistiisa lagu saxo wixii mugdi ku jira).

Hadaba, sidee ayuu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u qabtaa waajibaadka Dastuuriga ee loo igmadey?

Waxaan qirayaa anigoo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka gaar ahaan Aqalka Sare in waajibaadka na saaran aanan sidii loogu talo-galey u gudaneynin. Waxaa laga yaabaa in saaxiibbo badan oo igala tirsan Baarlamaanka aaney igu raacin in shaqada Baarlamaanku si fiican u soconin, balse waxaan uga gol-leeyahay in su’aasha la is waydiiyo qiimeyna la isku sameeyo. Tusaale haddaan ka soo qaato mid ka mid ah waajibaadka Baarlamaanka oo ah sharci-jedinta, waxaan dhihi karaa waxay ku socotaa si gaabis ah. Sida ku xusan qodobka 80aad ee Dastuurka, sharci qabyo ah oo heer qaran ah (marka laga reebo miisaaniyadda sanad laha) waxaa curin kara:

  • Xukuumada: Wasiirka ayaa soo jeediya kadibna Golaha Wasiirada ayaa ansixiya,
  • Golaha Shacabka: Ugu yeraan 10 xubnood oo ka tirsan Golaha Shacabka,
  • Aqalka Sare: Ugu yaraan hal wakiil oo ka socda Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka ama Guddi kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Haddaba sababta aan u leeyahay gaabis ayaa jira ayaa ah in aanu jirin xubin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo curineysa sharci qabyo ah kana faa’ideysaneysa waajibaadka Dastuuriga ah. Ilaa hadda inta aan ka warqabo, xataa Baarlamaannadii hore, waxaa curin sharci laga sugaa xukuumadda oo u soo gudbisa Baarlamaanka si looga dooda loona ansixiyo. Tusaale ahaan, inkastoo uusan ahayn is-barbardhig ku habboon, John McCain oo ka tirsan Senate-ka Mareynkanka ayaa curiyey ilaa 2,683 sharci oo keligiis ah, halka ay dadka kale oo ay shaqo-wadaag yihiin isla curiyeen ilaa 4,569 sharci. Sidoo kale dhaqanka ilaa hadda aan ku arkey labada Aqal muddadii sanadka ahayd ee aan ku jirey ayaa ah in aanan wax weyn laga beddelin waxa ay xukuumaddu soo gudbiso oo faaqidaad, falanqayn iyo doodo wax ku ool ah lagama sameeyo shuruucda la ansixiyo. Taas, anoo wax badan u deynaya in shacabka ay qiimeyn sameeyaan, haddana aniga aragtideyda waxaa ay tahay in qaabka sharci curinta iyo ansixinta ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay wax igala qaldan yihiin loona baahan yahay in aan wax ka beddelno.

Ka warrama haddii laga hadlo in xukuumadda la kormeero lalana xisaabtamo? Anigu waxaan dareemayaa in la xisaabtan dhab ah oo ku saleysan dan-guud iyo in diiradda la saaro waajibaadka gaar ka ah ee wasaaradi leedahay aanu Baarlamaanka ka jirin. Marka laga reebo soojeedin (motion) siyaasadeysan oo dano gaar ah ka dhex guuxeyso, waa ay yar tahay soojeedimada xubnaha labada aqal ee la xiriira danta guud ee dalka.

Maxaa laga fuliyaa waajibaadyada kale Baarlamaaniga ah sida matalaadda shacabka gaar ahaan deegaan doorashada? Xildhibaankee inta uu tago deegaanka dadkiisu ku badan yihiin la wadaaga akhbaar ku saabsan howlaha dawladda iyo siyaasadda guud, ka dhegeysta tabashadooda, si sax ah u soo ururiya afkaartooda isla markaana ka gada Xukuumadda, Soomaalida kale iyo Beesha Caalamkaba? Sidoo kale, xildhibaankee intuu daraaseeyo arrimaha muhiimka ee socda, sida tan hadda taagan ee canshuuraha, mowqif qoraal ah ka yeesha iskuna daya inuu xalka wax ka galo si ku meelgaar ah, mustaqbal ahaanna uga fikira sidii sharci adag looga soo saari lahaa?

Waxaa laga yaabaa inaad is weydiisaan su’aalo ay ka mid tahay Xuseen soo asagaba xildhibaan ma ahan oo howshan uma taallo? Maxaase ku kallifey inuu arimahan ka hadlo? Anigoo xildhibaan ah ayaan haddana sheegayaa si anigaba ay si fiican iiga dhaadhacdo isla markaana saaxiibadey kale ee labada Aqal aan ula wadaago in shaqadeenna aan si sax u gudano si aan Madaxweynaha iyo Xukuumaduba ula xisaabtanno. Qodobka kale ee igu kallifey ayaa ah in shacabka Soomaaliyeed qayb badan oo ka mid aaney fahamsaneyn doorka iyo waajibaadka xildhibaanka ay soo doorteen sidaa darteedna ay ku wareersan yihiin halbeegga ay isticmaalayaan marka ay la xisaabtamayaan xildhibaankooda.

Waxaan ka cudur daaranayaa in qoraalkeygan uu kooban yahay sidaa darteedna laga yaabo in si fiican aanu u faahfaahinin waxyaabo badan oo muhiim u ahaa shaqada Baarlamaan si gaar ahna wadciga ama xaaladda Soomaaliya iyo Baarlamaankeeda uu u shaqeeyo.

Waxaa qoray: Senator Xuseen Sheekh Maxamud, oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Waxa aad Goobjoog News qoraallada ugu soo gudbin kartaa: info@goobjoob.com