Waaxda waxbrashada Gobolka oo yeelatay Agaasime Cusub

Musaasabad ka dhacday  xarunta Gobolka Benaadir ayaa waxaa xilalka kula kala wareegay agaasimaha cusub ee waaxada waxbarashada Gobolka Benaadir Cabdiraxmaan Cumar Sheikh Nur isagoo kala wareegay asaagimihii ka horreeyay Cabdinaasir Rooble Abuukar.

Marwo Basma Caamir Shakeyti guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Benadir oo goobjoog ahayd munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegtay in muhiimad gaar ah ay leedahay waxbrashada Gobolka islamarkaana looga fadhiyo agaasimaha cusub inuu la yimaado dardargelin iyo wax qabad muuqda.

Dhawaan ayey hayd markii uu guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nur u magacaabay agaasimaha waaxda waxbarshada ee Gobolka.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW