U bood dhigaalka

Wadahadal Nabadeed oo U Dhaxeeya Maamulka Khaatumo iyo Somaliland oo Ka Qabsoomay Magaalada Caynaba

Sheeko:Dalka

Magaalada Caynabo ee gobolka Sool waxaa wadahadal uu ku dhex maray mas’uuliyiin ka kala socotay Khaatumo iyo Somaliland, wadahadalkan ayaa xoogga lagu saaray sidii la iskaga kaashan lahaa xallinta khilaafyo ku saleysan deegaanno ay wakhtiyo kala duwan  dagaallo ku dhex mareen labada maamul.

Dhinaca Khaatumo waxaa u matalayay wasiirka warfaafinta Axmed Xaaji Cali iyo wasiirka amniga Axmed Keyse Cabdi Yuusuf, haka dhanka Somalilandna uu u matalayay wasiirka dib u dajinta Cali Siciid Reygal iyo wasiir ku xigeenka duulista Axmed Nuur faahiye.

Axmed Xaaji Cali wasiirka warfaafinta ee Khaatumo ayaa sheegay iney muhiimad leedahay in wixii khilaafyo ah ee dhibaatooyin horey u dhacay ay mar kale soo noqon karto, isla markaana loo baahan yahay in khilaafka xal waara laga gaaro;

” Maamulka Khaatumo wuxuu go’aan ku gaadhay dhinacyada aanu is hayno ee colaad siyaasi ah iyo mid xabad ahiba naga dhaxeyso;sida Puntland iyo Somaliland, wadahadal siyaasi ah la yeelanno, waana mid aan inbadan ka wadahadalnay, wafdi lix xubnood ah oo labo wasiir ay hoggaaminayaan ay ka ambabaxaan magaalada Buuhoodle oo ay Caynabo gaadhaan maamulkaan ay maamulka khaatumo ka wadahadlaan sida loo qaabeynayo loo wadahadlayo  isku imaatinada iyo barnaamijyada siyaasiga ah, waa howl wajigii koowaad ku bilaabantay, waxaanan ka rajeynaynaa wax ummadda dan u ah dhinac  walba; goboladaa waqooyina dan u ah”.

Inkastoo wasiirradii Somaliland u matalayay shirka aaney kala hadlin warbaahinta natiijadii wadahadalka, ayaa hadana wasiiraka biyaha Baashe Cali Jaamac oo degaanadaasi ka soo jeeday ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay iney Khaatumo kala hadlaan wixii ku saleysan nabadgalyada iyo is dhex galka bulshada.

Dhanka kale; waxaa shirkan ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar oo warbaahinta kula hadlay magaalada Buuhoodle ayaa Waxa uu shirka Somaliland iyo khaatumo ku tilmamay mid khiyaano ah oo ay kasoo horjeedaan; waxaanuu yiri:

“Magaalada la yiraahdo Caynabo ee waqooyiga Soomaaliya oo ay ka qeybgaleen labo xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada ee khaatumo, wasiirka amniga iyo wasiirka arrimaha dibadda, waxay ahayd arrin u dhaxaysay  iyaga iyo madaxweynaha oo qura, naguma matalaan wakiilna nooguma ah, waanan ka xunnahay raallina kama nihin, sidaa darteed waxaan ku wargalinayaa dhamaan xubnaha baarlamaanka ee reer Khaatumo iney iskugu yimaadaan shir aan caadi ahayn oo degdeg ah muddo afar cisho gudahood ah oo ku aaddan 9/08/2016, si ay uga wadahadlaan arrimahan aan kor kusoo sheegay”waana sida uu hadalka u dhigay guddoomiye Maxamuud Sheekh.

Maamulka Khaatumo ayaa horey u sheegay inaaney wax wadahadal ah la yeelan doonin Somaliland , iyadoo ay hadda muuqato in go’aankaas ay wax iska bedeleen oo wadahadal toos ah uu u bilowday labada dhinac.

Goobjoog News