U bood dhigaalka

Wadahadalladdii Dhinayda Suudaan Ee Magaalada Jeddah oo Burburay

Sheeko:Caalamka

Shirkii u dhaxeeyay dhinacyada isku haya awoodda dalka Sudan ee magalaada Jeddah ayaa hakad galay, waxaana Saraakiisha Suudaan ay sheegeen in Wakiillada ay hakiyeen wadahadalladii xabbad joojinta ee ay la lahaayeen (RSF), iyaga oo ku eedeeyay kooxda in ay marar badan jebiyeen heshiisyadii hore ee xabbad joojinta dhinacyada.

” Ciidanku waxay qaateen go’aanka “sababtoo ahRSF ma aysan fulin hal qodob oo ka mid ah qodobbada xabbad-joojinta muddada gaaban ee u baahan inay ka baxaan isbitaallada iyo dhismayaasha ay degan yihiin, waxayna marar badan ayay ku xad-gudbeen xabbad-joojinta”  ayuu AFP u sheegay sarkaal ciidan oo magaciisa qariyay.

Ilo dublamaasiyadeed oo Suudaani ah ayaa sidoo kale wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay ka bixitaanka ciidanka ee wada-hadallada xabad-joojinta , oo looga gol lahaa in lagu suurtageliyo gargaar bani’aadanimo ee la gaarsiinayo dadka shacabka ah, Milatariga dalka  iyo kuwa RSF si cad ugamay hadlin ka bixitaanka heshiiskoodii.

Isniintii, dhexdhexaadiyeyaal ka kala socday Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa sheegay in ciidanka iyo RSF ay ku heshiiyeen in xabad joojinta bini’aadantinimo lagu kordhiyo shan maalmood, waxaana magaalooyinka dhowr ah ka dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeya dhinacyada, iyaga oo hadallo adag hawada isku marinyay saacadii tagay.

Dowladdaha Mareykanka iyo Sucuudiga oo garwadeen ka ahaa heshiiskii magaalada Jeddah ayaa hore u sheegay in tallaabo laga qaadi doono ciddii jabisa heshiiska la gaaray, waxaana marar badan burburay Xabadajoojin la isku dayay in lagu gaaro Jeddah, labada dhinac ayaa isku eedeeyay jabitan heshiisyadii la gaaray oo aan fulin.

Goobjoog News