U bood dhigaalka

Wadamo Ku Yaalla Yurub oo Aqbalay Baasaboor Soomaaliga

Sheeko:Caalamka

Baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa uu muddooyinkii dambe samaynayay hormar dhanka aqoonsiga caalamka ah, tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Kacaanka, sanadkii 1991-kii, markaas uu noqday mid ay hoos u dhacday darajada iyo qiimaha uu caalamka ku leeyahay,waxaana yaraa aqoonsiga uu heystay xilligaas.

Dhalashadii dowladda ah ee federalka ah ee Soomaaliya sanadkii 2012-kii waxaa soo baxayay aqoonsiga caalamiga ah ee uu ka helayo wadamada kale duwan ee daneeya arrimaha Soomaaliya, xilligaas uu madaxweyne ahaa Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana hadda soo baxaya wadamo kale oo reer Yurub ah oo aqbalay Baasaboorka Soomaaliga.

Inkastoo uu meel hoose uga jiro liiska kala sarraynta baasaboorrada, haddana waxaa muuqata in uu sanadkan ka horreeyo waddamo kale oo waawayn, oo ay ku jiraan Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan, sida lagu sheegay xogta ay shaacisay hay’adda Passport Index ee qiimaysa sharciyada socdaalka caalamka.

Tan iyo bartamihii sanadkii 2018-kii, dalka Norway ayaa aqoonsan baasaboorka ay dowladda Soomaaliya siiso muwaadiniinteeda, dadaal dheer kaddib ayay safaaradda Norway ku dhawaaqday xilligaas in ay aqbashay jiritaanka baasaboorkan, sidaas awgeedna ay dadka wata u saari doonto dal-ku-galkeeda (Visa),

Tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkii 2020-kii, Sweden waxa ay aqoonsanayd baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya, gaar ahaan kan la soo saaray 2014-kii ama wixii ka dambeeyay, balse, dhammaan noocyada kale ee baasaboorka Soomaaliga ma aqoonsana Sweden, sida lagu sheegay bogga internet-ka ee safaaradda Sweden.

Dhowr waddan oo ku yaalla Koonfurta Qaaradda Ameerika ayaa baasaboorka Soomaaliya lagu aadi karaa iyadoo aan wax dal-ku-gal ama fiiso ah loo qaadanin.

Dalalkaas ayaa kala ah:

  • Bolivia (oo qofka markii uu garoonka dalkaas ka dago la siinayo fiisada)
  • Dominica
  • Haiti
  • St. Vincent and the Grenadines

Waxaa jira waddamo kale oo sidaas si la mid ah soo dhaweeya muwaadiniinta Soomaaliya, waxaan dhowaan macquul ah in ay soo kordhaan dowladaha aqoonsiga siinaya Baasaborka Soomaaliga ah, waxaa uu ahaa mid aan haysan aqoonsi fog tan iyo markii Soomaaliya ay burburtay dowladnimadeedii sanadkii 1991-kii.

Goobjoog News