U bood dhigaalka

Wafdi Ka Socday Dowladda Soomaaliya oo Hiiraan u Tagay Qiimeynta Khatarta Fatahaada Webiga

Sheeko:Baarlamaanka

Wafdi ka socday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalda Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, wafdiga ayaana si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee duleedka Baledweyne.

Wafdiga waxaa kamid ahaa wasiirka qorsheeynta iyo xiriirka caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur, wasiir ku xigeenka gargaarka iyo maareeynta masiibooyinka Cabdishakuur Maxamuud Xasan, waxaana u jeedka safarkooda lagu sheegay sidii loo qiimeyn lahaa xaalada fatahaadaha ee Webiga uu ka sameynayo Baladweyne  ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa kulan la qaatay maamulka gobolka kan degamada Baladweyne iyo bulshada kala duwan ee ku dhaqan magaalada waxaana kulanka looga hadlay sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo xaaladaha fatahaada iyo sidii xal-waara loogu heli lahaa fatahaada Beledweyne ee mar weliba soo laab laabta markii webiga uu biyo keeno.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya  Cabdi Xasan Canshuur oo hadlay oo kulanka ka dib  ayaa ku sheegay in imaatinka wafdigaan iney tahay si ay  bulshada goboka Hiiraan ay la qeybsadaan  xaaladda adag ay ku jiraan iyo sidii bulshada looga ilaalin lahaa in waxyeelo ka soo gaarto fataahdda uu samaynayo Webiga oo la xasuusto in kal hore ay ku dhinteen dad badan oo qaarkood ahaayeen mas’uuliyiin ka dib markii Doon ay rogmatay.

Wafdigaan maanta gaaray magaalada Baladweyne ayaa waxuu ku soo aadayaa iyadoo Webiga Shabeelle uu fatahaad uu ka bilaabay gudaha magaalada shacabka ay bilaabeen in ay barakacaan biyaha badan ee uu soo rogayo Webiga kuwaas oo kala xira magaalada ayna adkaato in shacabka labada dhinaca ay isugu gudbaan magaalada.

Goobjoog News