U bood dhigaalka

Wakiilkii Mareykanka Ee Afghanistna Oo Iscasilay

Sheeko:Caalamka

Ergeygii ugu sareyay ee maamulka madaxweyne Biden u qaabilsanaa dalka Afghanistan ayaa iska casilay xilkiisa kadib laba biilood un markii ay ka soo wareegatay kabixitaankii Mareykanka Afghan 21 sano kadib.

Zalmay Khalilzad, ayaa xafiiska sheegay in uu baneeyay isagoo warqaddiisa iscasilaadda soo gudbiyay, waxaana si kumeel gaar ah loogu bedalay in howlaha xafiiska sii wadaya ku-xigeenkiisii Tom West.

“Maadaama uu Wakiilka Gaarka ah ee Dib -u -heshiisiinta Afganistan Zalmay Khalilzad uu ka degay kaalintiisii, waxaan u mahadcelinayaa tobannaankii sano ee uu u adeegayey dadka Mareykanka,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka Antony Blinken.

Khalilzaad ayaa warqaddiisa iscasiladda ku sheegay in qorshaha Taliban iyo Afghanistan uusan sii socon doonin isagoo sheegay in dib uu ka faahfaahin doono.

“Qorshaha siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda Afgaanistaan ​​iyo Taalibaan uma sii socon sidii loogu talo galay. Sababaha arrintaani waa kuwo aad u adag waxaanan la wadaagi doonaa fikradayda maalmaha iyo toddobaadyada soo socda, ka dib markaan ka tago adeegga dawladda,” ayuu Khalilzad ku qoray warqaddiisa iscasilaadda.

Zalmay Khalilzad, ayaa la shaqeeyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Doland Trump iyo kan hadda ee Joe Biden oo uu labada wakiil uga ahaa Afghanistaan.

Goobjoog News