U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Oo Lagu Dhaawacay Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Wararka naga soo gaaraya degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halkaasi oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye ayaa la sheegay in weerarkan lagu qaaday xilli uu marayey nawaaxiga Suuqa Bacadlaha ee degmada X/weyne, waxaana dhaawacmay xildhibaanka, iyadoo ay dhinteen Seddax qof oo la sheegay in Labo ay ahaayeen Ilaaladiisa, halka ruuxa kalena yahay Darwalkii gaariga u waday xildhibaan Daheeye.

Dableyda hubeysan ayaa watay gaari, waxayna isku horjareen gaari kale oo xildhibaanka saarnaa kadibna rasaas ayeey oodda kaga qaadeen sida uu inoo sheegay qof goobjooge ah.

Goobta weerarkan uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada ammaanka ee degmada Xamarweyne, iyadoo ay baxsadeen dableydii weerarkan ka dambeysay.

Xildhibaan Maxamed Cali Daheeye ayaa baarlamaanka Federaalka ku biiray April 27 2015, waxaana uu galay booskii uu ka geeriyooday xildhibaan Cabdullaahi Qayaad Barre oo  February 9 2015  lagu dilay degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe faraha kasii baxayey, waxaana maalmahan magaalada ka dhacay dilal qorsheesan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News