U bood dhigaalka

War-Murtiyeedkii Shirka Madaxda Baarlamaanada Carabta Oo Ku Soo Dhamaaday Magaalada Qaahira

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa soo dhamaaday xalay 25 febraayo shirkii madaxda baarlamaanada Carabta ee ka dhacayay xarunta jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.

Gabagabadii ayaa waxaa hadal murtiyeedka shirka soo jeediyay Dr.Cali Cabdi al-Caal oo ah afhayeenka golaha shacabka Masar iyo guddoomiyaha shirka intaba, isagoo sheegay in bayaanka koowaad ee shirka madaxda baarlamaanada carabta ay ka soo baxeen seddex Document oo looga hadlay aragtida mideysan ee ka qeyb galayaasha shirka, iyo xaaladaha cusub ee horyaalla Carabta.

Waxa uu intaa ku daray in shirka lagu taageeray arrimo asaasi ah, oo ay ka mid tahay in aan laga tanaasulin mabaadi’da ummadda Carabta iyadoo markasta wadahadalku yahay wadada ugu habboon, waxaa kale oo la isla meel dhigay in shirarka noocan oo kale ah la joogteeyo, iyadoo carrabka lagu adkeeyay in qadiyadda reer Falastiin ay tahay tan ugu horreysa, dowladda Isra’ilna ay tahay cadawga koowaad ee ammaanka Qaranka dowladaha Carabta.

Waxa kale oo u yiri; waxaa Jaamacadda Carabta lagu adkeeyay iney qaadato tallaabo ay ku badbaadineyso masaajidka Qudus iyo goobaha kale ee diimeed, iyagoo ku taliyay in la qabto shir caalami ah oo lagu taageerayo qadiyadda reer Falastin, iyadoo la soo bandhigayo dambiyada dagaal oo ay geysaneyso dowladda Isra’il adduun weynahana lagu hor fadeexaynayo.

Shirkan ayaa intii uu socday looga hadlay, siyaasadda , sharci dejinta, ammaanka, garsoorka, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo warbaahinta.

Dhanka kale “Ahmed Al Jarwan” oo ah madaxa baarlamaanada Carabta oo isna gagabadii shirka ka hadalay ayaa yiri; dhibaatada ka taagan dalka Suuriya dunida oo dhan ayaa hadal haysa, waxaanuu sheegay in xalka Siyaasadeed uu yahay mid ka kaliya ee xasallin lagu gaari karo, waxaanuu bulshada caalamka ugu baaqay in xabadda laga joojiyo dalka Suuriya.

Madaxda baarlamaanada Carabta ayaa khamiistii shalay booqasho gaaban ku gaaray xarunta madaxtooyada Masar iyadoo uu qaabiley Madaxweyne Abdel Fattah Sisi.

Ugu dambeyn shirka ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo halkaa ka jeediyay khudbadd uu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya ee xilligan iyo in dalalka Carabtu ay maalgashi ku sameystaan si la mid ah dalalka kale ee Caalamka.

guddomiyeyaasha jaamacadda carabta1

Goobjoog News