U bood dhigaalka

War-Saxaafadeed Kasoo Baxay Shir ay Yeesheen Mareynka Britain,Qatar, Turkiga,IMaaraadka iyo Soomaaliya

Sheeko:Caalamka

Wakiillo ka kala socda Soomaaliya, Qatar, Imaaraat-ka carabta, Turkiga, Britain iyo Mareykanka ayaa kulankoodii seddexaad ku qaatay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar, waxayna ka wada hadleen  xaaladda Soomaaliya, si gaar arrimaha amniga, siyaasadda iyo bani’aadminimada

Saaxibbaadan kulmay waxa ay hoosta ka xarriiqeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku taageerayaan horumarka amniga iyo xasilloonida.

Waxaa kale oo kulanka looga  dooday sida kor loogu qaadi karo kalsooni dhiska, xoojinta hay’adaha dowliga iyo isku xirka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta argagixisada ah iyo kaalmada caalamiga ah ee dhinaca amniga.

Waxa ay soo dhoweeyeen ka go’naanka dowladda Soomaaliya in ay xoojiso hay’adaheeda amniga, u diyaar garowga in ciidanka Qaranka ay amniga si buuxda ugala wareegeen hawlgalka Midowga Afrika marka la gaaro bisha December 2024.

Si loo gaaro dhameystirka hawlahahan waxa ay isku raaceen waddamada kulmay wafuuddooda in ay xoojiyaan isku-duwidda dedaaalkooda, sidoo kalena la shaqeeyaan dowladaha iyo hay’adaha kala ee caalamiga ah ee saaxiibka la ah Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale ka doodeen  muhimadda ay leedahay in dhammaadka sanadka ay isugu yimaaddaan shir lagu dejinayo qorshe amni oo la xiriira sida loo joogteynayo amniga kadib sanadka 2024.

Saaxiibbada waxa ay falanqeeyeen ahmiyadda ay leedahay hubinta xasillooni waarta iyo dowlad wanaag laga hirgeliyo deegaannadii dhowaan laga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo sida ay uga go’an tahay saaxiibbada caalamiga ah isku- duwidda kaalmo lagu xasilinayo deegannadaasi oo ah mid ay dowladda Soomaaliya hoggaamin doonto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ballan qaadday in ay sameynayso lana wadaagayso saaxiibbada taageera hannaanka isku duwidda dedaallada xasilinta Soomaaliya.

Dowladaha kulmay ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay sii wadayaan taageerada siyaasadeed ee ay siinayaan dedaalka Dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso buuxinta shuruudaha farsamo ee maamulka iyo isticmaalidda hubka , si Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ay uga qaadaan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Saaxiibbada waxa ay taageereen in uu Golaha wada-tashiga Qaranka kordhiyo dedaallada dib u heshiisiinta siyaasadda iyo in la kala xadeeyo mas’uuliyaadka hay’adaha dowladda si loo hubiyo xasiloonida Soomaaliya .

Saaxiibada waxa sidoo kale taageereen dedaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso xal u helista colaadda magaalada Laas Caanood, waxayna ,  dhinacyada ugu baaqeen in la joojiyo dagaalka lana gaaro heshiis xabbad joojin ah iyo in wadahadal iyo hannaan nabadeed lagu xaliyo khilaafaadka jira.

Waxa Sidoo kale isku raaceen  horumarka laga sameeyay dhinaca  dhaqaalaha Soomaaliya iyo dib u habeynta hay’adaha maaliyadda, waxayna qireen in dhabbaha lagu socdo Soomaaliya uu gaarsiin karo in laga cafiyo daymaha iyo in la helo qorshe dhaqaale oo lagu horumariyo dalka, dayn cafinta kadib.

Saaxiibada waxa ay baaq u direen beesha caalamka in kaalmo bani aadamnimo oo deg deg ah la siiyo dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena waxa ay adkeeyeen sida lagama maarmaanka ay u tahay in aan la hor istaagin gaarsiinta iyo helista gargaarka bani’aadminimada xilligan iyo taageeridda u adkeysiga isbeddelka cimilada.

Saaxiibadu waxa isku raaceen sii wadida ka wada shaqeynta hawlahan iyo ku soo biiradda Turkiga doodahan si loo joogteeyo horumarka socda.

Goobjoog News