U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Markale Dib Uga Qarxay Magaalada Khartoum

Sheeko:Caalamka

Dagaalka u dhaxeeya Milatariga Sudan iyo xoogagga kasoo horjeeda ayaa markale dib uga qarxay maalintii 3-aad magaalada Khartum ee caasimadda dalkaasi, iyadoo dhinacyada ishaya ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kale duwan, iska hor imaadyada ayaa ku faafay qeybo badan oo dalka ah , sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Ku dhawaad ​​100 qof ayaa la dilay, sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta, waxaana sidoo kale la qiyaasayaa in tirada dhaawaca ay gaareyso 1,100 qof ay jiraan, kuwaas oo ku waxyeeloobay dagaalka u dhaxeeya dhinacyada, iyaga oo ku loolamaya gacan ku heynta goobo muhiim ah oo yaalla caasimadda Khartuum oo ay ku sugan yihiin.

Gelinkii hore ee Axadii shalay ahayd ayaa waxay sameeyeen xabad joojin ku meel gaar ah si dhaawacyada u kala gurtaan, walow galinkii dambe uu dagaalka markale dib uga qarxay qeybo kamid ah Koonfurta magaalada, iyadoo ciidanka Milatariga ay duqeeyeen xarunta ugu weyn ee xoogagga gargaarka degdega ah ee RSF la magac baxay.

Dhakhaatiirta ayaa ka digay in xaaladda isbitaalada magaalada Khartoum ay tahay mid aad u adag, isla markaana dagaalku uu yahay mid joojinaya shaqaalihii iyo agabkii caafimaadkaba in la gaarsiiyo dadka dhaawaca ah sida ay ku waramayaan dhaqaatiirta, waxaana isisoo taraya xaaladda walaaca ah ee gobolka uu ka muujinayo Sudan.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo shir degdeg ah isugu yimid ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan xaaladda ka soo cusboonaatay dalka Sudan, waxaana dhinacyada ishaya ay ugu baaqeen in laga baaqsado sii hurinta dagaalka taas oo burbur u horseedi karta burshada reer Sudan iyaga oo dalbaday in liiska wada hadalka la isugu yimaado.

Dalka Sudan ayaa waxaa wax kabarata Arday badan kuwaas oo ka kala yimaada qaaradda Afrika iyo Asia, iyaga oo kamid ah xilligaan kuwa wajhaya xaaladdo adag. Cabduullaahi Muuse oo Goobjoog u waramay ayaa sheegay inta badan arday in ay ku sugan yihiin goobaha waxbarashada, iyaga oo aan awoodin in ay ka socdaalaan dalka Sudan.

Dagaalka Sudan ayaa qarxay kadib markii hoggaamiyeyaasha sare ee golaha KMG ah ay isku khilaafeen sidii ay u qabsoomi laheyd doorasho shacab, taas oo keentay in ciidamo ay kala wataan hoggaamiyaha Sudan, Jenaraal Cabdifitaax Al-Burhaan iyo hoggaamiye ku-xigeenka Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo ay wada dagaalamaan.

Goobjoog News