U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dhuusamareeb 3

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ay isu diyaarisay martigelinta shirweynaha Soomaaliya ee doorashada, waxaana hadda soo dhameystirmay dhammaan hawlihii qabanqaabada.

Wufuudda caasimadda Galmudug joogta waxaa ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliyeed Maxamed Cabdulahi Farmaajo,

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasis Lafta gareen, Hirshabelle Maxamed Waare oo uu wehliyo Madaxweynaha gogosha dhigay Axmed Qoorqoor, waxaana la sugayaa madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay waxaa ka socday kulamo gaar ah uu Farmaajo la lahaa madaxda ku sugan ee Hirshabeelle Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaa intaas dheer kulamada guddiga farsamo.

Shirka Dhuusamareeb 3 ayaa waxaa lagu ballamay in lagu jaangooyo arrimaha doorasha Soomaaliya, waxaa indhaha ku haya guud ahaan Soomaaliya iyo beesha caalamka iyaga oo la filayo in madaxda ay go’aan sidoo kale ka gaaraan jiheynta dalkan uu harreeyey qalalaasaha siyaasadeed.

Shirka oo lagu waday inuu 15-kii bisha ayaa dib ugu dhacay hab farsamo, waxaana la filayaa inuu furmo xilliyada soo socda.

Goobjoog News