U bood dhigaalka

Warbixin : Barashada Diinta oo Wali Muqdisho Loogu Soo Xireysto (Dhageyso)

Sheeko:Caalamka

IMG_20141224_102245Tan iyo intii diinta islaamka ay soo gaartay dhulka Soomaaliyeed xili u dhow markii ay diinta soo degtey ayaa gayiga Soomaaliyeed sida kaliya ee diinta looga baran jirey waxa ay ahayd qaabka loo yaqaano xireysiga, taasi oo dadka meelo aad oga fog meesha ay ku noolyihiin u aada barashada diinta islaamka.

Inta badan culumadii hore ee Soomaalida, gaar ahaan suufiyada ayaa xitaa u xireysan jirey meelo dalka ka baxsan sida Sucuudi Carabiya, Ciraaq, Masar iyo dalal kale oo islaam ah. Kuwaasi oo markii dambe inta dalka kusoo laabtay la yimid cilmi badan oo diinta iyo waliba dariiqooyin kala duwan.

Sababta ugu weyn ee loo xireysan jirey ayaa ahayd cilmiga diinta oo meelo yar ku koobnaa, dadka oo dhana aanan wada gaarin, laakiin hadda oo uu cilmiga diinta aad u faafay, islamarkaasina laga helay jaamacado diinta islaamka lagu barto, wali dad badan ayaa usoo xireysta barashada diinta Islaamka.

Cali Maxamed Afrax waxa uu ka mid ah dadka xirta Muqdisho u yimid in ay diinta islaamka ka bartaan, wuxuu yimid sanadii 2008-dii, walina waa uu wadaa barashada.

Caadi ahaan dadka xerta ah waa kuwa ay nolosha ku adagtahay, islamarkaasina meelaha ay yimaadaan aanan ku lahayn ehel iyo qaraabo, Cali oo aan arrintaasi wax ka weeydiiney ayaa yiri “Qof kaligiis oo meel ku nool markasta nolosha waa ay ku adagtahay, laakiin aniga waxaan diyaar u ahay in aan u sabro”.

Cali waxa uu bartay ama raacday kitaabo badan oo uu ka midyahay Ajruumiga, Buluuqu Maraamka iyo kuwa kale oo badan, isaga oo fan kasta oo diinta ah wax uun ka bartay, walina waxa uu u arkaa in cilmi badan u dhimanyahay, tani waxa ay ka mid tahay astaamaha xerta.

Sheekh Xasan Axmed Nuur waxa uu ka mid yahay culumada diinta islaamka bara xerta ee masaajidada kitaabadda ka akhriya, waxa uu Goobjoog u sheegey in xerta ay la kulmaan nolol aad u qalafsan “Culumadii hore waxa ay noo sheegtey in markii ay diinta u xireystaan ay xitaa cuni jireen caleenta geedka cunto la’aan darteed, balse dadka wax ku barta noloshaasi adag ayaa marka dambe yeesha mustaqbal wanaagsan, marka dambana noqda culumo waaweyn oo cilmi badan bartay” ayuu yiri Sheekh Xasan.

Macalin Maxamed Cali Xiireey oo ka mid ah barayaasha jaamacadaha ka dhiga diinta islaamka , waxa uu sheegey in farqi badan aysan u dhaxeynin ardeyda jaamacadda ka barta diinta islaamka iyo kuwa xernimada wax ku barta.

Mar aan wax ka weeydiiney in ay suurogal tahay in ardeyda xernimada wax kusoo bartay ay jaamacadaha kusoo biiri karaan iyaga oo aanan soo marin waxbarashada asaasiga ah ayaa waxa uu sheegey in loo baahanyahay in ay soo maraan tabobar ama machad si ay ola qabsan karaan daraasadda jaamacadda.

Sanad kasta masaajidada Muqdisho iyo waliba magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa usoo xireysta boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed oo diin doon ah, kuwaasi oo marka ay waxbarashada dhameeyaan iyaga laftooda noqda culumo iyo wadaado diinta dadka bara.

Marka uu qofka dhameeyo daraasadda meelaha ugu badan ee uu shaqada ka helo ayaa waxaa ka mid ah dugsiyada qur’aanka iyo mandarasooyinka, halkaasi oo ay dadka baraan diinta islaamka.

Dhageyso

 

Goobjoog News