U bood dhigaalka

Warbixin : Cod-Baahiyeyaasha Lagu Naadiyo Ganacsiyada Yaryar ee Muqdisho

Sheeko:Caalamka

MakarafoonNaadinta ganacsiga waa arrin soo jireen ah , gaar ahaan seyladaha xoolaha ah oo ah ganacsiga facweyn oo Soomaalida kusoo dhaqmi jirtey qarniyo ka hor.

Waa nooc ka mid ah xayaysiiska oo lagu soo jiito macaamiisha badeecooyinka iibsanaysa, waana hab la tijaabiyey gaar ahaan marka alaabaha la xaraashayo.

Magaalada Muqdisho naadinta ganacsiga waxa ay noqotey mid aad u baahday, gaar ahaan ganacsiyada yaryar sida waratada oo kale.

Qofka badeecada naadinaya waxa uu duubayaa cod ku saabsan sheeyga uu iibinayo iyo qiimaha uu iibinayo, codkaasi oo laga shidayo sameecad taasi oo maanta oo dhan isku soo celcelineysa.

Qaabkani waxa uu noqdey mid baahay, islamarkaasina aanan ku koobneyn ganacsiga xaraashka oo kaliya, xitaa waxaa isticmaala dadka tuugsada iyo waliba ganacsiyada la wareejiyo sida caanaha geela, jalaatada iyo wixii la mid ah.

Maxamuud Cali waxa uu ka mid yahay dadka ganacsiyada waratada ku heysta Muqdisho, islamarkaasina ku naadiya codbaahiyaha, waxa uu yiri “Haddii aan shido makarafoonka dadka waa soo leexanayaan, haddii aanan shidina meesha ayay iska marayaan” .

Laakiin noocani naadinta ka midka ah waxaa dhibsada dadka ku ganacsada agagaarka meesha uu ka shidanyahay iyo waliba dadka wax iibsanaya oo iyagu ka cawda ismaqal la’aan iyo qeylada joogtada ah ee dhagahooda ku shidan maalintii oo dhan.

Cabdifataax Ibraahim oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee bartay ganacsiga iyo suuqgeynta ayaa Goobjoog u sheegey in naadinta ganacsiga uu yahay nooc xayaysiiska ka midka ah, islamarkaasina lagu soo jiidanayo macaamiisha.

Balse waxa uu Cabdifataax ka digey dhibaatada codbaahiyaha dadka dhagahooda ku daaran maalintii oo dhan, wuxuuna sheegey in taasi ay keeneyso ismaqal la’aan iyo waliba in dadka neerfahooda kacaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa aad usoo kordhaya ganacsiyada yaryare kuwaasi oo qoysas badan ay kasoo dhacsadaan noloshooda, islamarkaasina dhimey shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.

Dhageyso

Goobjoog News