Warbixin Gaar Ah : Baarlamaanka Socod-Baradka Ah ee Soomaaliya, Goorma Ayuu Barmoosayaa ?

Baarlamaankii Hore / Goobjoog
Baarlamaankii Hore / Goobjoog

Sawirka waxaa idiinka muuqan kara aqalkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya oo si weyn u burbursan, waxa kaliya ee ka harsana uu yahay dhismihii astaanta u ahaa baarlamaanka taasi oo sidoo kale uu ku xirnaa wiishkii baarlamaanka lagu fuuli jirey.

Markii ugu dambeysey ee xildhibaano ay shacabka soo doorteen halkani shir ku yeeshaan waxa ay ahayd sanadkii 1969-kii goortaasi oo uu dalka Afgambi ku qabsaday Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Wixii markaasi ka dambeeyey Soomaaliya ma aysan yeelanin baarlamaan ay dadka si toos ah usoo doorteen, kaliya waxaa dalka soo maray baarlamaano ku imanayay qaabab kala duwan, tusaale ahaan Golihii shacabka ee xukuumaddii militariga waxa uu ahaa mid ku yimid rabitaanka dowladdaasi.

Dhawr iyo tobonkii sano ee ugu dambeeyey waxaa dalka soo maray illaa afar baarlamaanka oo ku yimid awood qeybsi beelaha dhexdooda ah.

Sida la la wada ogyahay baarlamaanka waa laanta ugu muhiimsan ee dowlad kasta oo adduunka ka jirta, sababta oo ah sharci kasta oo uu dalka ku shaqaynayo waa hey’addii dajin lahayd.

Sida ku xusan qodobka 69-aad ee dastuurka Soomaaliya, baarlamaanka waxa uu leeyahay awoodo isaga mooyee aysan cid kale lahayn,taasina waxa ay baarlamaanka ka dhigeysaa tiir dhexaadka qaran Soomaaliyeed.

Qodobka 69aad ee dastuurka

  1. Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka wuxuu leeyahay waajibaadyada kala ah
  • Ansixinta, wax ka badalista iyo diidista sharciyada lasoo hordhigo
  • Diyaarinta iyo dajinta sharciyada marka laga reebo waxa la xiriira miisaaniyadda sanadka oo ay tahay in golaha wasiiradda ay dajiyaan.
  1. Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka wuxuu leeyahay awoodaha kala ah
  • Ansixinta gudiyada madaxa banaan ee uu Ra’isulwasaaraha horkeeno golaha
  • La xisaabtanka iyo la socoshada laamaha kala duwan ee dowladda iyo hubinta in sharciga la fuliyo
  • U yeerista Ra’isulwasaaraha, xubnaha golaha wasiiradda iyo guddoomiyeyaasha gudiyada madaxa banaan. Waxa uu baarlamaanka awood u leeyahay in uu dib u eegis ku sameeyo shaqada qofkii ku guuldaraysta in uu baarlamaanka hor yimaado.
  • In uu codka kalsoonida u qaado Ra’isulwasaaraha iyo golaha wasiiradda, iyada oo natiijada lagu salaynayo cod dheeri (%50 +1 )iyada oo codeynta ay tahay gacan tag.
  • In codka kalsoonida lagala noqdo Ra’isulwasaaraha iyo ku xigeenadiisa iyada oo natiijada ay noqoneyso aqlabiyad cod dheeri ah (%50 + 1), codeyntuna noqoto mid gacan taag ah.
  • Samaynta hawlaha kale ee sharciga u fasaxayo sida hirgalinta iyo dib u eegista dastuurka

Waxaa qodobadan kaaga muuqan kara waajibaadka saaran xildhibaanada iyo awoodaha ay leeyihiin, waxaase jira qodobo kuwani aad oga badan oo isla arrintani ka hadlaya, laakiin dad badan waxa ay isweeydiinayaan in baarlamaanka fahamsanyahay shaqadiisa iyo in kale.

Waxyaabaha xildhibaanada lagu eedeeyo waxaa ka mid ah in intooda badan aysan xaadirin kulamada baarlamaanka, kuwa taga baarlamaanka ay jiitamaan marka ay hawl qabanayaan, islamarkaasina hawshii ansixinta sharciyada ay dabo dheeraato, halkaasina ay ku beylahdo shaqo qaran oo sharci dajin ah, taasina ay dib u dhigeyso horumarkii uu dalka gaari lahaa.

Tusaale ahaan dadka markii ay maqleen in kumeelgaarkii laga baxay waxa ay filanayeen in dhibaatadii jirtey oo dhan ay halkaasi ku harayso, laakiin dadka kuma aysan baraarugin in wali dastuurka uu yahay kumeelgaar, una baahanyahay in la qabyo tiro, shaqadaasina ay tahay in ay xildhibaanada qabtaan.

Dhamaystirka dastuurka waa shaqadii ugu weyneyd ee u tiiley baarlamaanka, taasi oo wax badan ay ku xirnaayeen.

Meelaha uu qabyotirka oga baahnaa dastuurka waxaa ka mid ah kala saarista awoodaha madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha, arrinta federaalka iyo kala saarista awoodaha maamul goboledyada iyo dowladda dhexe.

Labadaasi arrimoodba waa kuwa muranka ugu badan ka taaganyahay maanta, mararka qaarkood halista ugu weyn galiya jiritaanka qaranimo iyo dowladnimada Soomaaliya.

Muddo labo sano ah ayaa hadda ka luntey dadka Soomaaliyeed, taasi oo dastuurka lagu qabyo tiri lahaa, waxayna maanta ahayd in loo gudbo shaqooyinka kale ee waaweyn ee dalka u yaala.

Khilaafka hadda ka dhextaagan madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha sababta ugu weyn ee uu leeyahay waa dastuurka qabyada ah iyada oo eedda arintaasina ay xildhibaanada leeyihiin, hadane markii khilaafka uu gaaray baarlamaanka si xal kama dambeys ah looga gaaro waxa muuqata in la maareyn la’yahay khilaafka.

Waxaa soo baxaya eedeymo waaweyn oo ku saabsan in xildhibaanada la laaluushey, waxaa taasi kasii daran ficilada xildhibaanada ay ku dhex samaynayaan baarlamaanka dhexdiisa iyada aduunka oo dhan uu daawanayo.

Maanta (Sabti 15-ka Nofeembar, 2014) waxaa markii labaad baaqdey fadhi uu lahaa baarlamaanka kaasi oo lagu qeybin lahaa mooshin codka kalsoonida lagala noqon lahaa Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, sababta uu u baaqdey waxay ahayd kadib markii xildhibaanada ay dhagaysan waayeen, islamarkaasina is hortaag ku sameeyeen guddoomiyaha baarlamaanka oo furi lahaa fadhiga si mooshinka loo horkeeno.

Fadhigii kan ka horeeyey waxay arrintu ahayd qeylo, daasado-garaac, buuq, foori , firimbi iyo boorar erayo lagu soo qorey, fadhigan dambe waxoogaa waa ka duwanaa kii hore , laakiin ujeedku isku mid ayuunbuu ahaa, xildhibaanada waxa ay qaadeen heesta SOOMAALIYEEY TOOSOO taasi oo ay diideen in ay joojiyaan qaadisteeda illaa markii dambe guddoomiyaha, baarlamaanka iskaga tagay.

Xildhibaanada mooshinka kasoo horjeeda waxa ay ku doodayaan in uusan ahayn mid qaab sharci ku yimid sidaasi darteedna aysan marnaba ogolaan doonin in la horkeeno baarlamaanka, waxyaabaha ay farta ku fiiqayaan waxaa ka mid ah in xeer hoosaadka baarlamaanka uu dhigayo in marka hore xukuumadda looga yeero baarlamaanka oo fursad loo siiyo in ay sharaxdo waxqabadkeeda, ee aanan lagu soo boodin mooshin.

Xildhibaanada mooshinka keeney waxa ay cuskanayaan qodobka 69-aad ee dastuurka iyo awoodaha uu baarlamaanka siinayo ee ah in ay mooshin ka keeni karaan Ra’isulwasaaraha iyo xukuumadiisa.

Halkaasi waxaa ka cad in labo turjumaad oo kala gadisan ay xildhibaanada ka qabaan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

Intii ay socotay hawsha mooshinka iyo khilaafka waxaa istaagay in badan oo ka mid ah shaqadii dowladda ee dalka ka socotey, tusaale ahaan golaha wasiirada wax kulan ah ma aysan yeelanin muddo labo todobaad ah, sida ay illo xog ogaal ah u sheegeen Goobjoog News wasaaradaha qaarkood ayaa ka baaqsaday ama hakad galiyey hawlo muhiim ah oo ay qaban lahaayeen, tusaale ahaan shirar dalka dibadiisa ka dhacay oo ay ahayd in wafti loo diro.

Waxaa sidoo kale dhacay falal amni daro oo caasimadda ay ka bad qabtay khilaafka ka hor, iyada oo la laayay saraakiil sarsare oo dowladda ka tirsan, waxayna dadka farta ku fiiqayaan in ay ugu wacantahay habacsanaan laamaha amniga ku yimid, taasi oo si toos ah iyo si aan toos ahaynba xiriir ola leh jawiga siyaasadeed ee uu dalka galay.

Dowladda Maraykanka oo ka mid ah dowladaha adduunka kuwa gargaarka ugu badan siiya Soomaaliya ayaa sheegtey in ay ka baaqsanayso ka qeybgalka shirka Copenhagen khilaafka madaxda dartiis, waxaa kale oo soo baxday xog kale oo loo qaateen ah , inkasta oo uu Maraykanka ka gaabsaday, taasi oo ah in Maraykanka ka fiirsanayo in uu joojiyo gabi ahaanba gargaarka uu siiyo Soomaaliya.

Shirka qorsheysan in uu qabsoomo 19-ka bisha ee Copenhagen ee Soomaaliya loogu yaboohi lahaa lacagta badan ayaa waxaa ku yimid hubanti la’aan, iyada oo aysan muuqanin yididiilo badan oo shirkaasi kasoo muuqata.

Waxaasi oo dhan iyada oo ay dhaceen ayaysan wali muuqan wax kasoo reyn ah, waxaana la arkayaa in siyaasiyiinta usii karaar qaadanayaan khilaafka iyo kala qeybsanaanta.

Madaxda qaarkood waxa ay buuqa baarlamaanka ku fasireen dimoqoraadiyad socod barad ah, balse waxaa la isweeydiin karaa goorta uu barmoosi doono,?, dad badan waxa ay qabaan in sida uu u burburey dhismaha baarlamaankii hore uu sidoo kale u burbursanyahay nidaamka baarlamaanka Soomaaliya.

Mid ka mid tiirarka hiigsiga 2016-ka waa in afti loo qaado dastuurka Federaalka, lana ansixiyo, habada marka aad eegto xaaladda Baarlamaanka Soomaaliya iyo sooyaalkiisa ma kula tahay in 2015-ka lagu guuleysan karo ansixinta Dastuurka Federaalka? Xildhibaanadase ma yihiin dad xilkooda og?.

Goobjoog News

 

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW