U bood dhigaalka

Warbixin: Shiinuhu Goorma Ayuu Maraykanka Kala Wareegi Doona Hoggaanka Dhaqaalaha Caalamka

Sheeko:Caalamka

Cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in Shiinaha uu sanadka 2028-ka dhaafi doono Mareykanka si uu u noqdo dalka ugu dhaqaalaha badan adduunka, waxana uu shan sano ka hormaray sidii la filayay, sababta ayaa khubaradu ku sheegeen farqiga iyo kala duwanaanshaha ka soo kabashada labada dal ee faafaha Coronavirus.

Xarunta Cilmi-baarista Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee CEBR oo fadhigeedu yahay ingiriiska ayaa ku sheegtay warbixin sanadle ah oo ay daabacay Sabtidii “Muddooyinkan, dhaqaalaha iyo loollanka awoodda jilicsan ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ahaa mid ka mid ah mowduucyada ugu waaweyn ee jaangooya dhaqaalaha adduunka,”

Warbixinta aya sidoo kale lagu yiri “safmarka Covid-19 iyo saameyntiisa dhaqaale ayaa ka dhigaysa tartankan mid u janjeera Shiinaha.”

Xarunta oo sii wadata warbixinteeda waxay tiri “Xirfadda Shiinaha ee maaraynta aafada corona, tallaabooyinka adag ee shiinuhu uu soo rogay bilowgii caabuqa, iyo saameynta xun ee fayrasku ku yeeshay koritaanka dhaqaalaha waddamada reer galbeedka, waxay taasi ka dhigan tahay in dhaqaalaha shiinuhu uu kaso o raynayo.”

Shiinaha ayaa filaya sanadka 2021 ilaa 2025-ka koror dhaqaale oo celcelis ahaan gaaraya 5.7% sanadkiiba, kahor inta uusan hoos ugu dhicin cecelis 4.5% sanadkiiba laga bilaabo sanadka 2026 ilaa 2030-ka.

In kasta oo Mareykanka la filayo inuu diiwaangeliyo sare ukac dhbaqaale oo xoog leh wixii ka dambeeya sanadka 2021-ka, kobocaas masiii raagi doono oo sida lafilayo waxa uu sameyn doona hoos udhac 1.9% sanadkiiba inta u dhexeysa 2022-2024-ka.

Xaruntan cilmi baaristan soosaartay ayaa filaysa in Japan ay sii ahaan doonto waddanka saddexaad ee ugu dhaqaalaha badan adduunka illaa iyo bilowga sodomeeyada  qarnigan 21-aad.

Daraasadu waxay tilmaantay in dawladda Hindiya  ay meesha loo gaaro 2030-ka Japan kala wareegi doonto booska sadaxaad, kolkaas oo Jarmalku  udhaadhici doono kaalinta shanaad, Ingiriiska sida ay xaruntu sheegtay, wuxuu hoos ugu dhici doonaa kaalinta lixaad marka la gaaro sanadka 2024-ka.

Goobjoog News.