Warbixin : Soo Nooleynta Dhaqanka iyo Dhibta Maanta Heysata (Dhageyso)

dhaqanka SoomaaligaInkasta oo wax kasta oo heybad iyo dowladnimo ah ay Soomaaliya ka burbureen, ayaa laakiin waxyaabaha wali lagu naaloon karo ee nool waxaa ka mid ah hidaha iyo dhaqanka Soomaalida , kaasi oo siyaabo kale duwan oga dhex muuqanaya bulshada Soomaaliyeed.

Hidaha iyo dhaqanka waa arrin ku qotanta jiritaanka bulshonimo, Soomaaliduna waa qoowmiyad ixtiraam iyo jacayl badan u heysa dhaqankeeda, iyada oo aad arkaysid in meelaha lagu hayo dhaqanka ay dad badan isugu soo xoomaan.

Xitaa dadka caadiga ah ee magaalooyinka ku nool ayaa fikrad wanaagsan ka heysta dhaqanka.

Sidaasi oo ay tahay waxaa jira walwal weyn oo laga qabo in uu dhaqanka suulo, iyada oo ay dad badan qaadanayaan dhaqamo kale, waxaase jira fursado waaweyn oo lagu badbaadin karo dhaqanka.

Cumar Nuur Cali waxa uu ka midyahay dadka ku nool magaalada Muqdisho oo aan wax ka weeydiinay waxa uu dhaqanka Soomaaliga gaarka la yahay, wuxuuna sheegey in marti-soorka, dharxirashada, guurka iyo dhaqanka wax isa siinta ay yihiin tiirarka ugu waaweyn ee bulshada Soomaaliyeed, yihiina wax lagu faani karo, kuwaasi oo uu sheegey in wali noolyihiin si wanaagsana oga dhexmuuqdaan bulshada.

Cabdinuur Minhaaji Axmed ayaa isna la qaba fikir kaasi la mid ah, wuxuuna sheegayaa in dhaqanka Soomaaliga yahay midka ugu quruxda badan marka lasoo bandhigo maadaamaa asluub ahaan dharxirashada ay dadka yihiin kuwa jirkooda daboolanyahay, balse waxa uu Cabdinuur sheegey in dhaqankii uu u burburey sidii ay dowladdii u burburtey.

Abwaan Cabdirisaaq Axmed Geedi (Aakhiro) waxa uu ka midyahay xeeldheerayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uu Goobjoog u sheegey in dhalinyaradu ay yihiin kuwa dhaqan kasta muujiya ama shiiqiya, “Dhalinyarada haddii dhaqankooda ay ka waayaan xarago, faan iyo labis, meel kale ayay u doonanayaan” ayuu yiri Abwaanka.

Waxa uu intaasi ku daray in haddii dadka hormuudka ah sida waalidiinta, madaxda iyo dadka waaweyn ay dhalinyarada ka arki waayaan wax ku dayasho mudan oo dhanka dhaqanka, waxa ay u badantahay in ay ka tagaan dhaqanka.

Agaasimaha Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare Ismaaciil Yuusuf Axmed oo dhankiisa ka hadlay arrimaha soonooleynta dhaqanka ayaa sheegey in ay fureen xarumo lagu barto dhaqanka, islamarkaasina hirgaliyeen barnaamijyo lagu kobcinayo dhaqanka.

Ugu Dambeyntii Fartuun Sarqaawi oo madax ka ah urur u dooda Afka Soomaaliga ayaa eedda dusha ka saaraysa dhalinyarada, mas’uuliyadana dhabarka ka saaraysa wasaaradda hidaha “Dhalinyaradii ayaa iyagu liicinaya dhaqankii, waxaad arkeysaa wiilashii oo saraawiisha hoos geysanaya, timahii la tuurran jirey oo ay jeego u jaranayaan, gabdhihii oo iyaguna dhaqanka sii liicinaya haddii ay ahaan lahayd midabka, dharxirashada iyo xishoodka” ayay tiri Fartuun.

Waxyaabaha dadka isla sheegeen waxaa ka mid ah in taleefishada baahiya dhaqamada kale, sida ruwaayadaha taxanayaasha ah in laga soo minguurinayo dhaqamo kale, haddii aanan laga dabo tagin waxyaabaha qaarkoodna ay horseedi karaan halis badan.

Dhageyso

Goobjoog News

 

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW