Warbixin : Taariikh Kooban oo ku Saabsan Yemen

Iyada oo maalinkii 9aad ay duqeymo cirka ah ka socdaan dalka Yemen, islamarkaasina qalalaasaha Yemen ay muuqato saameyn uu ku yeelanayo Soomaaliya ayaan waxaan halkan idiinkugu soo gudbineynaa taariikh kooban oo ku saabsan Yemen.

Dalka Yemen waxa uu ku yaalaa Jasiiradda carabta, waxa uu xuduud la leeyahay wadamada Sucuudiga iyo Cumaan, halka dhanka baddan uu xuduud kala leeyahay dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Waxa uu dhacaa bugcad istaraatiiji ah marka laga hadlayo marin biyoodka Baabul Mandab oo ah halka ay maraan inta badan gaadiidka badda adduunka ee kala gooshiya shixnadaha ganacsiga.

Inkasta oo Yemen ay tahay dal taariikh dheer oo fog leh, hadana waxaan waxyar ka taabanaynaa taariikhdeeda dhow ee muddo qarni ah ku siman.
Yemen waxa ay u kala qeybsaneyd Waqooyi iyo Koonfur, Waqooyiga waxaa ka talineysay boqortooyo Ingiriiska Taageero oo lagu magacaabi jirey boqortooyada Mtawakiliinta, hase yeeshee markii uu dhintey boqorkii Axmed Binu Yaxya sanadkii 1962-dii ayaa waxaa biloowdey isku day afgambi oo ay ciidamada sameeyeen, kaasi oo uu ka dhashay dagaal socdey sanado badan illaa markii dambe ciidamada ay xukunkii la wareegeen sanadii 1968-dii iyaga oo garab ka helayay dowladdii Masar ee Jamaal Cabdinaasir, meeshana ka saaray boqortooyadii Mutawakiliinta ee Ingiriiska iyo Sucuudiga taageerada ka heysatay.

Waxay xiligaasi abuureen waxa Jamhuuriyadda Dadka ee Yemen, hase yeeshee waxa uu kacdoonkaasi dhashay ku aaday xili Gumeysigii Ingiriiska ay xoyiyad siiyeen goboladii Koonfureed ee magaalada Cadan ugu muhiimsanayd, waxaana loo bixiyey Jamhuuriyadda Carabta Koonfureed.
Labada Yemen ayaa dagaalamay sanaddii 1972-dii, kaasi oo balse istaagay markii Jaamacadda Carabta ay dhexdhexaadin ka gashay.
Markii lasoo gaaray sanadii 1978-dii waxaa madaxweynaha Yemen loo doortey Cali Cabdalle Saalax oo waqooyiga ka tirsan, iyada oo sanad kadib labada dhinac uu markale dagaal ka dhex qarxay , waxaana soo noolaaday dadaaladii midnimada labada Yemen.

Hase yeeshee sanaddii 1986 ayaa waxaa dagaal sokeeye ka dhex qarxay Koonfurta Yemen, iyada oo madaxweynihii Koonfurta Cali Naasir Muxamed uu baxsaday, markii dambana inta la qabtay loo toogtey xukun qiyaano qaran ahaa.

1990-kii ayay labada Yemen toos isugu biireen, waxaana madaxweyne u wada noqdey Cali Cabdalle Saalax, halka Cali Saalim Al Biidh oo Koonfurta Madaxweyne ka ahaa uu noqdey Madaxweyne ku xigeen.

Balse labada nin iskuma aysan sii daahin, waxaana dhacday in sanaddii 1994-tii ay reer Koonfureedka dareemeen in ay ku dulmanyihiin midoowga dhacay, xuquuqdii ay lahaayeena lagu tuntey, taasi oo keentey in Cali Saalim Al Biidh uu ku dhawaaqo gooni u goosad, taasina ay horseedo dagaalo kale oo uu ku gacan sareeyey Cali Cabdalle Saalax , waxaana dalka ka baxsaday Cali Saalim Al-Bidh kaasi oo illaa maanta ku nool dalka Cuman.
Markii dowladdii Ciraaq ee Saadaam Xuseen ay ku duushey dalka Kuwait, kadibna quwadaha waaweyn ay dagaal la galeen Ciraaq, dowladda Yemen ee Cali Cabdalla Saalax waxa ay diidey in ay taageerto duulaankaasi Ciraaq lagu qaaday, iyada oo markaasi xubin ka ahayd golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayay Yemen ka aamustey illaa 4 jeer oo cod loo qaaday qaraar lagu meelmarinayay in Ciraaq lagu duulo.

Talaabadaasi waxa ay ka careysiisey Maraykanka iyo Sucuudiga, iyada oo Sucuudiga uu dalkiisa kasoo eryey illaa 800 boqol kun oo reer Yemen ah oo Sucuudiga ku noolaa si loo ciqaabo Yemen.

Doorasho dhacday 1999-kii ayaa markii koowaad xilka madaxweynenimada loogu doortey Cali Cabdalle Saalax, isaga oo ku guuleystey 96.2% boqolkiiba codadkii la bixiyey, waxaana la tartamayay Najiib Qaxdhaan Al-Shacabi oo aabihiis Qaxdhaan Alshacabi uu mar ahaan jirey madaxweynaha Yemen-ta Koonfureed.

Bishii Oktoobar sanadkii 2000 17 askari oo ka tirsan ciidamada badda Maraykanka oo fadhigooda ahaa Cadan ayaa dhintey kadib markii dooni waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey lagu weeraray markab dagaal oo dekada taagnaa, arrintaasi waxa ay keentey in dowladda Yemen iyo Maraykanka ay wada galaan heshiis ah in ay ka wada qeybqaataan dagaalka loo yaqaano argagixiso la dirirka.

Iyada oo ciidamada ay dagaal kula jiraan dagaalyahano Alqaacida oo Yemen ka dilaacay, ayaa waxaa gobolka Sacda sanaddii 2004-tii looga dhawaaqay jabhad salka ku heysta diinta shiicada, taasi oo uu hoggaaminayay Xuseen Bedrudiin Al-Xuuti, kaasi oo uu kaga soo horjeedo dowladda Yemen.
Dowladda Yemen ayaa jabhadani cusub ee Xuutiyiinta ku eedeysey in ay doonayaan in ay afgambiyaan dowlada, waxaana lagu qaaday dagaalo socdey 8 sano.

Hadaba markii lasoo gaaray sanadii 2011-kii xiligaasi oo ay dunida carabta ka biloowdeen kacdoonadii dadweynaha, Yemen sidoo kale waxaa ka biloowdey kacdoon ugu dambeyntii suurogaliyey in xukunka laga tuuro Cali Cabdalle Saalax , waxana xilkii la wareegey ku xigeenkiisii Abdul Raboow Mansuuur Al-Haadi.

Xukuumadda Haadi ayaa dhexda oga dhacday kooxo badan oo iska soo horjeeda dhexdood, militariga oo dhinac oo uu hoggaamiyo wiilkii madaxweynihii hore Axmed Cali Cabdalle Saalax, Al-qaacida, iyo Huutiyiinta iyo waliba jabhadda koonfurta ee gooni u goosadka ah.

Ugu dambeyntii Jabhadda Shiincada oo garab ka heleyso ciidamada militariga ee wiilka madaxweynaha u taliyo ayaa bishii Seebtembar ee sanadkii hore ee 2014-kii galay caasimadda Sancaa, iyaga oo markii dambana madaxweynihii iyo dowladdii Afgambiyey.

Muddo 8 cisho ka hor ah dowladaha carabta oo uu Sucuudiga horkacayo ayaa duqeyn ka bilaabay dalka Yemen, halkaasi oo ay inta badan la wareegeen xoogga Xuutiyiinta.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW