U bood dhigaalka

Warbixin-Umul Imtixaanka Dugsiga Sare Ku Gashay Isbitaalkii Ay Ku Dhashay

Sheeko:Waxbarashada
Shamso Maxamed oo Umul ah ayaa Imtixaanka Dugsiga Sare ee Dowladda ku gashay saakay Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay dhawaan ku dhashay, xilli maanta loo fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.
Gabadhaan oo warbaahinta gudaha ay ku booqdeen isbitaalkii ay ku dhashay kuna gashay imtixaanka ayaa waxa ay u sheegtay in codsi ay dugsigii ay dhiganaysay u direen wasaaradda waxbarashada ay suura gelisay in maanta ay qeyb ka noqoto kummanaankii arday ee u fariisatay imtixaanka dowladda iyada oo xustay inay aad ugu faraxsantahay sheekadaan.
Gabadhaha wax ka barta dalka ayaa qaarkood ah hooyooyin saas oo ay tahay kama baaqsadaan inay galaan imtixaanaadkooda marka ay xaaladaha nuucaan oo kale ah ku jiraan.
Si aad aah ayaa loo hadal hayaa sheekada Shamso Maxamed oo iyada oo umul ah maanta ka qeyb gashay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka.

 

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Arinkaa

Goobjoog News