Warbixin: Xorriyadda Saxaafadda oo Dhulka Gashay inta uu Joogay Madaxweyne Farmaajo

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo February 8, 2017, waxaa uu hoos u dhac xooggan ku yimid xorriyadda hadalka iyo guud haan helidda xogaha kala duwan hey’adaha dowladda iyada oo saxafiyiin badan ay maamulkiisa iyo kuwa kale kala kulmeen dil, dhaawac, jir dil, xarig, handadaad iyo arrimo kale taasi oo keentay in sanadkan ay saxafiyiinta Soomaaliyeed sameeyaan markii ugu horeysay “Kacdoonkii April” iyaga oo muddo bil ku dhow wadey olole ka dhan ah maamulka Farmaajo isla markaana diidanaa tacadiyada iyo xadgudubyada ay ula kulmaan sida joogtada ah.

Axaddii oo aheyd maalinta xorriyadda saxaafadda dunida, sida ay daabacday hey’adda u doodda saxafiyiinta ee Federation of Somali Journalists(FESOJ) , inta u dhaxeysay May 2019 ilaa May 2020,  4 saxafi ayaa lagu dilay Soomaaliya, 64 ayaa la xiray, 47 kale ayaa si xun loola dhaqmay, 7 ayaa dhaawac ah halka 5 warbaahin la xiray.

Qoraal wadajir ah oo isla maalintaas ay soo saareen hey’adaha u dooda xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed sida FESOJ, SJS, SOMA, SIMHA iyo SWJO ayey dowladda federaalka ah uga digeen tacadiyada ka dhanka ah saxafiyiinta iyaga oo uu qareenkooda uu warqad cabasho ah u diray madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha dowladda federaalka ah.

Human Rights Watch oo baahisay qoraal looga hadlayo tacadiyada ay la kulmaan saxaafadda Soomaaliya ayaa sheegeysa in Soomaaliya ay sii laba jibaartay hanjabaaddda ka dhanka ah saxafiyiinta iyada oo tan iyo bartimihii April la xiray 3 weriye halka shaqada laga joojiyey idaacad maxali ah, waxayna dowladda Soomaaliya ugu baaqday iney soo afjarto xarigga sharci-darrada ah iyo dhibaataynta suxufiyiinta.

Human Rights Watch  ayaa sidoo kale ka hadashay in xeerka ciqaabka Soomaaliya oo waqtigiisu dhacay ama duugoobey la hirgeliyey 1964-tii,  waxaana ku jira dambiyo hummaag ku jiro oo tiro badan oo ay ka mid yihiin sumcad dilid,  ku xadgudubka karaamada iyo sharafta madaxweynaha, cayda sarkaal dowladeed ama hay’ad  iyo quudhsi ka dhan ah qaranka, gobolka, ama calanka, dhammaan , kuwaas oo aan la jaanqaadi karin xeerarka dalka, gobolka iyo dunida ee xuquuqda aadanaha.

Haddaba Goobjoog News ayaa heerka xorriyadda hadalka iyo caqabadaha horyaalla waxaa ay ka wareysatay wasiirkii hore warfaafinta Safiir Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirkii hore ee qorsheynta Cabdiraxmaan Ceynte, guddoomiyaha Tubta nabadda Cabdullahi Shirwac iyo Madaxa hey’adda difaacda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Afrika Xasan Shire.

Wasiirkii hore warfaafinta Safiir Daahir Geelle oo ka hadlay xilligan iyo xoriyadda hadalka ayaa yiri” Soomaaliya xilligan ay ku sugan tahay, waxaan aaminsanahay in hoos u dhac xoog leh uu ka jiro, xataa waqtigii Carte ka hor sidii ay aheyd iyo xuriyadda ay heysatay, oo aan ku dhex nooleyn dalka, maanta sida ay tahay ayaa ka culus, saxaafad la handadaayo, saxafi inuu edbanaayo la rabo oo waxa dowladdu ay rabto ma ahane wax kale aanu sheegin ayaa xilliyadan aad u soo kordhay, waana ka xumahay, waxaan qirayaa hoos u dhac oo xoog oo ku dhacay xuriyadda saxaafadda xilliga dowladdan inuu jiro”.

Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Canyte wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya oo arrinkan ka hadalaya ayaa yiri “Sida ay dad badan horay uga hadleen xaalada saxaafadda dalka walwal iyo walaac badan ay leedahay marka la fiiriyo suxufiyada aadka u faraha badan ee waayahaan la bartimaameedsaday,  la xiray ama la handaday ama runtii shaqadooda lagu adkeeyey, waxaan is leeyahay waqtiyadii dambe intii aan anigu ka warhayey dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey ma xasuusto xili ay xilligaan uga adag tahay suxufiyiinta iyo si guud warbaahinta dalka.

Wasiirka waxaa uu difaacay kaalinta warfaafinta isaga oo intaasi raaciyey “ Saxaafadda waxaa la yiraahdaa waa tiirka 4-aad ee dowlad dimoqoraadiga ah, oo  ay  ku dhisan tahay sida la ogyahay marka laga hadlo sharci dejinta, garsoorka iyo  golaha fulinta ayaa ah tiirka dowladda laakiin kan afaraad aan looga maarmin dowladnimo waa saxaafad maaxbannaan oo waajibkeeda masuuliyedeed si hufan u gudata, waajibkaas waxaa uu yahay in waxa ka dhex socda sedexdaas hey’adood oo kale oo xog ah in ay dadka u soo gudbiso .

Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Canyte  ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “ Haddii aad aragto meel saxaafadda la baacsanaayo waxaa asal ka ah madax aan isku kalsooneyn,  dowlad aan isku kalsooneyn,  dhaqan Dictatornimo  iyo kaligiitalsnimo ayaa asal u ah, dalalka adduunka ee isku kalsoon oo madaxdooda ay iskukalsoon yihiin ama dastuurkooda uu xooggan yahay oo saxaafadu ay helayso badbaadada ay u baahan tahay saxaafadda  lama beegsado,  lamana bartilmaameedsado beegsiga saxaafadda waxaa uu salka ku hayaa dhaqan aan horay u soo marnay.

Dhankiisa, guddoomiyha  hey’adda tubta nabadda Cabdullahi Maxmed Shirwac oo isla qodobkan ka hadlay ayaa yiri “ Heerka xuquuqda iyo xorriyaadka Soomaaliya markaad si u fiiriso aad ayey u hooseysaa , waad aragtay waa la isdilayaa , waa la isdhacaa, waa la isxabisaa,  waxaas oo dhan waxaa laga yaabaa inaan loo soo marin hab raacii sharciyadeed ee la rabay in loo maro, Soomaaliya dil badan ayaa ka dhaco kii dilka gestana lama keeno cadaaladda, xarig faro badan ayaa ka dhaca, xorriyaadkii wadanka markii aad fiirisid waddada ma mari kartid, diyaarad ayaa la aadaa meel walbo oo wadankii ma mari kartid xoriyad lagu xad gudbay waaye,  waayo waxaa ay aheyd inuu qof ku socdo oo meel walbo uu gaari ku maro.”

Cabdullahi Maxmed Shirwac oo sii hadlaya “ Marka aad dadka caburiso, dadku waa ay kaa harayaan markii ay kaa haraan sharciyad ayey yeelanayaan,  wixii aad ku samaysana waxaa ay noqonayaan waxaad xoog ku samaysay,  xoriyaadka iyo xuquuqdii aad ku samaysay”.

Madaxa hey’adda difaacda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Afrika Xasan Shire oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxaa uu ka hadlay madax bannaanida saxaafadda iyo xoriyatul qawlka hadalka waxa uuna ku nuuxnuuxsaday in haddii dowladi xirto ama jirdil u geysato saxfi sabab la xiriirta war uu baahiyay inay tahay dowladdaasi mid xun islamarkaana ay ku tumanayso xoriyadda hadalka iyo madax bannaanida

“Dowlad Wariyaha u xirto ama u jirdisho maxaad warkaas u sheegtay waa dowlad xun , wasiir inta meel soo istaago isku dayo inuu marmarsiyo u sameeyo caburrinta saxaafadda waxaa la yiraahdaa dilaa saxafi, waaana la cambaareyaa” ayuu yri Madaxa difaacayaasha.

Xasan Shire ayaa dhinaca kale waxa uu walaac ka muujiyay in Soomaaliya ay kaalmaha ugu hoseeya uga jirto xoriyadda hadalka “Soomaaliya 163 ayey uga jirtaa sanadkaan meesha ugu hooseysa xataa gobalka oo Burundi iyo Koonfurta Suudaan wey ka hooseysaa marka la fiiriyo celceliska dhibaatada ku dhacda dadka saxaafadda u ololeeya iyo kuwa ka shaqeeya” waxa uuna arrinkaasi ku tilmaamay mid nasiib darro ah.

 Isaga oo sii hadlay ayuu sheegay in hadii la waayo saxaafad madax bannaan aysan jiri doonin xoriyad iyo madax bannaani kale “Haddii la waayo saxaafad madax bannaan xoriyad kale iyo madax bannaani kale oo jiri karta ma jirto dimuquraadiyad lama gaari karayo dowlad hufnaan lama gaari karo haddii aysan jirin xoriyad dhab ah oo saxaafaddu leedahay oo ka fog cabsi intaas baa gundhig u ah marka 1-aad”.

Inkasta oo dastuurka iyo sharciyo kale ee dalka ay dammaanad qaadayaan xuriyadda hadalka hadana hey’adaha dowladda oo adeegsada xeerka ciqaabka ee duugoobey waxaa ay caburin iyo xadgudub joogta ah ku harayaa saxafiyiinta Soomaaliya xilli dalka uu ku baaheen dagallo, qalalaaso, Covid 19  iyo arrimo kale oo dadku doonayaan xogo waafi ah.

Goobjoog News

Related Articles

18 Comments

  1. Pretty element of content. I simply stumbled upon your blog and in accession capital to assert that I acquire actually loved account your blog posts.

    Anyway I’ll be subscribing to your augment and even I success
    you get right of entry to consistently rapidly. https://www.wisig.org/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW