U bood dhigaalka

Warbixinta ganacsiga billaha ah ee goobjoog FM (July)

Sheeko:War

WARBIXINTA GANACSIGA BILLAHA AH EE GOOBJOOG FM.

1.0 Horudhac

Bil walba horaanteeda GOOBJOOG FM waxa ay idiin soo gudbisaa warbixin ku saabsan Isbadalka Sarifka lacagaha qalaad ee bishii tagtay , gaar ahaan lacagaha ugu caansan caalamka ee dalka laga isticmaalo waxaana ka mid ah:-

Doolarka maraykan , yuuraha yurub , pounka Britain ,riyaalka sacuudi, Diharka imaaraatka ,Birta Itoobiya iyo Shilinka Kenya; iyo Shillin Soomaaliga.

Warbixintan ayaana daaha ka rogi doonta isbedalkii maalin laha ahaa ee bishii 7’aad ee sandkan 2014 laga  dareemayay qiimaha heerarka qabasho iyo bixin ee lagu sarifayay lacagaha qalaad ee aan kor ku soo xusnay. Waxaana xusid mudan in xogtaasi laga soo xigtay xurumaha lacagaha lagu badalo ee ku yaalla suuqyada Muqdisho, Kadibna waxaa lagu falanqeeyey Prograamka EXCEL-kaas oo xogtii tirada aheyd u bedalay shax si qof kasta si sahlan ugu fahmo heerka is bedbedel ee laga dheehan karayay dhaqdhaqaaqii lacagactaas qalaad.

Hadaba, waxaan ku faahfaahin doonna lacag kasta iyo qiimihii lagu sarifayey bishii 7’aad ee Sanadkan 2014 sidan soo socotta:-

1.1  Doolarka Mareykanka Iyo Lacagta Shilinka Soomaalig.

Doolar maraykanka oo saameeyn balaaran ku leh ganacsiga soomaaliya ayaan horaantii bishii aan sagootinay ee 7’aad waxaa uu heerka qabashada $100 kaga ku furmay suuqyada lagu sarifo lacagaha qalaad 2,070,000 halka bixintuna ay aheyd 2,080,000. Sidaas ayuu saldhigiisu ahaa ilaa laga soo gaaro 10 kii bisha , hayeeshee 11 kii bisha markii la soo gaaray ayuun noqday 2,080,000 sh/so heerka qabashada halka heerka bixinta uu ahaa 2,090,000; Balse laba maalin ka dib ayuuna gaaray 2,090,000 oo heerka qabashada iyo 2,0100,000 heerka bixinta, laakiin, sarakacaasi ma noqon mid waara oo durba waxaa uu ku soo laabtay halkiisi inkastoo 19 kii bishaas laga dareemay sarakacii ugu badnaa ee bishaasi uu sameeyay waxa uuna gaaray 2,0100,000 qabasho iyo 2,0105,000 bixin , hasa ahaatee dabayaaqadii bishii 7’ aad ayuu hoos ugu soo dhaadhacay isaga oo yimid heerka qabashada 2,050,000 iyo 2,060,000 heerka bixinta ah.

Ugu danbeyntii dhamaadkii bishii 7’aad ee sanadkan 2014-kan ayuu $100 waxa uu ku soo xirmay 2,060,000 oo heerka qabashada iyo 2,070,000 oo heerka bixinta ah.

Hadaba marka laga eego 100-kiiba inta uu hoos u dhacay ama sare u kacay sarifka doolarka ee lagu bedelo shilling soomaaliga bishii 7’aad ee sanadkan 2014; waxaa muuqata in hoos uu dhacay -1.5%, si is lamid ah heerarka bixinta iyo qabashada, hase yeeshee waxaa uu sare u kacay dabayaaqadii bishii 7’aad isga o aan gaarin halkii uu markii hore ka soo bilaawdey , balse waxa uu yareeyey hoos u dhicii uu bartamihii bishan sameeyey, isagoo hoos u dhaca uu noqonayo -0.5%, si is lamid ah heerarka bixinta iyo qabashada. Sida ka muuqaneysa jaantuska 1.1 ee hoos ka muuqda.

1

1.2 Pound iyo Dollar: $/£ (100) .

Lacagta pound ee Britain waxay ka mid tahay lacagaha ugu qaalisan ee laga isticmaalo dunida isla markaana lagu sarifo suuqyada magaalada moqdisho waxaana bishii 7’aad laga dareemay isbadal balaaran oo ah sare u kac ah, iyadoo isbadalkaasi ay sariflayaashu ay ku micneeyeen mid caalami ah oo suuqyada dunida oo dhan ka jira , waxaan bilaawgii bishii 7’aad 100 pound ee Britain uu ku daah furmay $162 oo qabashada ah halka heerka bixintuna uu ahaa $164.5 , balse bartamihii bishii 7’aad ayuu sameeyay sarakicii ugu xooganaa iyadoo xiligaasi heerka qabashada uu gaarey $168 halka heerka bixinta uu ahaa $170. Taasi ayaana ka dhigan sarakicii ugu baalaarnaa ee ay sameyso lacagta Britain laga isticmaalo mudo 4 bilood ah sida ay noo xaqiijiyeen sariflayaashu, waxaana muuqata in lacagta puondka ay sare u kacdey 3% si isla mida heerarka buxinta iyo qabashada. haseyeeshee dabayaaqadii bisha ayuu hoos usoo dhacay isaga yimid heerka qabashada $164 , halka bixintana waxaa ahaa $165, marka la isku soo duubo sare u kaca uu bishaan uu sameeyey ayaa noqonaya wax ka yar 1%. Sida ku cad jaantuska 1.2 ee hoos ka muuqda.

2.

1.3 Euro iyo Dollar (USD/Euro (100).

Lacagta yuurada waa mid ka mid ah lacagaha qalaad ee caalamka ugu qiimaha badan, waxaana inta badan laga isticmaalaa qaarada yurub, hadii aan eegno isbadalkii ku dhacay bishii7’aad ee snadkan 2014-ka waxa uu uu aha mid iska soo hor jeeda, waxaana sare u kac aga dareemey heerka qabashada haklka heerka bixintuna uu hoos u dhacay 19-kii bisha ayuu bilaabey inuu hoos u soo dhoco heerka bixintu isagoona ka soo laabtey 100-kii yuuro lacag u dhiganta 135$ waxa uuna yimid $130.5, balse heerka qabashadu waxaa uu sare u kacay bartamihii bisha isagoona markii dambe dib ugu soo laabtey halkii uu markii hore ka tegey oo ahay $130. waxa uu ahaa isbadal aan sidaa u balaarneyn.Sidaa aad ka dheehan kartaa jaantuskan 1.3.

3

1.4 BIRTA ITOOBIYA IYO DOOLARKA $/ ETB(100).

Birta itoobiya oo ka mid ah lacagaha ugu caansan ee laga isticmaalo geeska afrika , gaar ahaan wadanka itoobiya ayaa waxaa aad u yaraa isbadalka laga dareemay marka la eego heerarka qabashada iyo bixinta ee bishii 7’aad , waxaa horaantii bishaan lagu qabanayay suuqyada sarifka 100 kii birta itoobiya $ 4 halka bixintuna ay aheyd $5 . laakiin laga soo bilaabo 9 kii ilaa 13 july ayaa waxaa isbdalay heerka qabashada waxa uuna gaarey $ 4.5, halka heerka bixintu uu ahaa mid aan waxba iska bedelin.

Labadii maalin ee bisha ugu danbeysay ayuu sidoo kale heerka qabashadu gaarey $ 4.5 balse heerka bixintu halkeeda ma dhaafin sida aad uga jeedaan jaantuska 1.4 .

 4

1.5 RIYAALKA IYO DOOLARKA $ / SAR (100).

Hadii aan eegno riyaalka sacuudiga oo ka mid ah lacagaha laga adeegsado dalalka carabta ma jirin haba yaraatee wax isbadal ah oo laga dareemay horraantii bishii 7’aad ee aanu ka soo gdubney. Hase yeeshee waxaa uu hoos u dhacay heerka bixinta xilli dhammaadkii bishii 7’aad sida aan ka dheeneysaa jaantuska 1.5 ee hoos ka soo socda.

5

1.6 kenya shillin iyo doolar $/KSH(100) .

Kenya shilin oo ah lacagta laga isticmaalo dalka kenya waxaa ku dhacay sare u kac bishii tagatay ee 7’aad, 10 kii maalmood ee bisha ugu horeysay ayaana lagu qabanayey 1,000 kenya shilin $9 iyadoo lagu bixinayay $10. Hayeeshee 10-12 kii bishaas ayuu heerka qabashada waxaa uu noqday $9.5 halka heerka bixintuna uu gaarey $10.5, balse waxa uu dib ugu soo laabtey halkii uu markii hore ka tegey illaa xilli dhamaadkii bishaas. Hase yeeshee, dabayaaqadii bishii 7’aad ayuu noqday $ 10 heerka qabashada ,halka bixintu ay aheyd $11. si aad ka arkeysaan jaantuska 1.6 ee hoos ka muuqda .

6

1.7  Dirhamka iyo doolarka $/AED(100).

Sida ku cad jaantuska 1.7 ee hoos ka muuqda waxa uu ka tarjumayaa xogtii laga soo aruuriyay suuqyada caasimada ee lagaha lagu sarifo, sida ka muuqatana ma jirin isbedell ku dhacay lacagta dirhamka ilaa laga soo gaaro 28 bisha, balse waxaa uu sare u kacay xilli dhamaadkii bishii 7’aad waxaana lagu sarifayay 100 ka dirham $ 26 oo qabsho ah iyo $27 oo bixin ah, laakiin, sadaxdii maalin ee bisha ugu danbaysay ayuu noqday heerka qabashada $26.5 inkastoo bixintu aysan wax isbadal samayn. Sida ka muuqata jaantuska 1.7 ee hoos ka soo socda:-

7