U bood dhigaalka

Wasaaradda amniga oo sheegtay inay ka hor tagtay qaraxyo qorsheysan

Sheeko:War
Afhayeenka wasaarada amniga
Afhayeenka Wasaaradda amniga Soomaaliya, Maxamed Yuusuf

Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adaha ammaanka ee Dowladda federaalka Soomaaliya ay ka hor tageen dilal iyo qaraxyo qorsheysnaa oo la doonayay in laga fuliyo Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda Amniga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo u waramay Goobjoog FM ayaa sheegay in Ciidamadu ay Gacanta ku dhigeen rag uu sheegay inay ka mid yihiin Xarakada Al-Shabaab oo qorsheynayay fulinta dilalka iyo qaraxyadaasi.

Maxamed Yuusuf Cismaan, afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in dhowaan hooyo Soomaaliyeed ay wasaarada amniga ku soo war gelisay wiilkeeda oo ku jira xarakada Al-shabaab si buu yiri looga hor tago qataraha uu ku hayo shacabka.