U bood dhigaalka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Beenisay Hadal Dhowaan Telefeshinka Laga Baahiyay

Sheeko:Caalamka

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Itoobiya ayaa beenisay hadal dhowaan laga sii daayay Telafishinka  dalkaas, kaas oo looga hadlay xaaladda Soomaaliya, iyadoo warbixinta la baahiyay in uu jiro xiriir xubno dowladda ah iyo Ururka TPLF, iyadoo qoraal kasoo baxay wasaaradda lagu sheegay in hadalkaas uu usan quseyn sida warbaahintu u fasiratay.

“Warbixinta barnaamijka ku jirtay ma ahan mid ka turjumaysa siyaasadda dowladda Itoobiya waxayna hareer marsantahay xiriirka labada dowladood” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Facebook ee wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Itoobiya, warbixinta uu baahinyay Telefeshinka dalkaas ayaa abuuray hadal heyn badan bulshada dhexdeeda.

Warbixinta Telefeshinka dalka Itoobiya uu baahiyay ayaa waxyaabaha lagu xusay waxaa ka mid ahaa in ururka TPLF ay isku dayayso in ay xiriir la yeelato dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan, taas oo khatar ku ah danaha qaran ee Itoobiya, haddii taas ay dhacdana ay Soomaaliya ka abuurmi doono urur khatar ah, sida lagu xusay warbixinta la baahiyay.

Dowladda Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe la sheegayay inuu xiriirkoodu uusan fiicneyn, tan markii madaxweyne Shiikh uu heshiis la galay dalka Kenya, kaas oo lagu fasaxay Qaadka Miiruuga loo yaqaano, waxaana hoos u dhacay dalabka Hereeriga oo ka imaan jiray Itoobiya, madaxweyne weli ma booqan magaalada Addis Ababa.

Goobjoog News