U bood dhigaalka

Wasaaradda Isgaarsiinta oo Amar Dul-dhigtay Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Sheeko:War
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Jaamac Xasan Khaliif ayaa guddoomiyay Shir muhiim u ah shaqada wasaaradda oo looga hadlay arrimo la xiriira shaqada ay qabtaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka. Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa lagu amray in ay joojiyaan xadgudubka ka dhacaya dhexdooda, taasoo caqabad ku ah hanaanka shaqo ee Suuqa Isgaarsiinta.
“Shirka waxaa ka qeybgalay ,Wasiir-kuxigeenka wasaaradda Xuseen Axmed Culusow iyo Madaxda kale ee wasaaradda “Shirkadaha Isgaarsiintu waa in ay u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, mana jiri karto shirkad ka guuri garta halka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxaayo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo wasaaraddu baahisay.
“Shirkadaha waxaa la farayaa in aysan ka gudbin meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta, waxaana dambi ah Shirkadii lagu helaa in qalabkeeda laga sameeyo ama ay u badan tahay inay sababaan
Faragelinta waxyeellada leh ee Qalabka Raadiyaha ama adeegyada Isgaarsiinta” ayaa lagu sidoo kale lasii raaciyay hadalka kasoo baxay wasaaradda Isgaarsiinta.
Hadalka kasoo baxay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Jaamac Xasan Khaliif ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe shirar isdabajoog ah uu u socday Shirkadaha isggaarsiinta iyo wasaaradda, mana jiro wax  war ah oo kasoo baxay shirkadaha oo ku aadan amar ay dul dhigtay wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda.
Goobjoog News