U bood dhigaalka

Wasaaradda Kalluumeyga oo Kulan La Qaadatay Xubno Ka Socday Howlgalka EUCAP

Sheeko:War
Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aden oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cali Ifiye Cali iyo wasiiru dowlaha wasaaradda mudane Maxamed Bashiir Cali ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay wafti ka socda howlgalka midowga yurub ee EUCAP.
Waftiga waxaa hogaaminayey Christopher Reynolds oo ah madaxa howgalka ee Soomaaliya isaga oo ka warbixiyey shaqada ay qabtaan ee ku saabsan kordhinta xirfadaha iyo tababarrada ee la xiriira ilaalinta xeebaha, kalluumeyiga iyo habka jallaabashada casriga ah.
Christopher ayaa sidoo kale wasaaradda u sharaxay sida ugu haboon ee ay isku kaashan karaan iyaga oo kaa faa’iideysanaya waaya-aragnimadooda ku saabsan waaxda kalluumeysiga iyo ilaalinta badda, waxaana uu sheegay in diyaar u yihiin sidii ay wasaaradda uga taageeri lahaayeen sidii ay u hagaajin lahaayeen hababka casriga ah ee maamulka kalluumeysiga kuwaas oo kaalin ka qaadan kara suuqgeygta caalamiga ah ee kalluunka Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda mudane Ahmed Hassan Aden ayaa waftiga EUCAP uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen xarunta wasaaradda isaga oo xusay in ay ka wasaarad ahaan diyaar u yihiin sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha muhiim ka ah ee ay u hayaan dalka, gaar ahaan dhinacayda kordhinta xirfadaha kalluumeysiga iyo ilaalinta xeebaha.
Wasiirka ayaa sheegay in doonayaan in ay kala shaqeeyaan sidii fursado loogu abuuri lahaa dhalinyarada kuwaas 75 boqolkiiba ka ah bulshada Soomaaliyeed, waxaana u intaa ku daray in sidoo kale doonayaan in kala shaqeeyaan wasaaradda farsamooyin ka muhiim ka ah ee ku saabsan ka gaashaamashada kalluumeysiga sharci darada ah ee ay dowlaha shisheeye ka sameeyaan Soomaaliya.
Kulankan waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda, la taliyaha gaarka ah ee wasiirka iyo xubno kale oo qeyb ka ahaa waftiga ka socday howlgalka EUCAP, howlgalkaan ayaa waxaa inta badan uu ka shaqeeyaa haqada ay xirfadaha  ku saabsan kordhinta iyo tababarrada ee la xiriira ilaalinta xeebaha, kalluumeyiga iyo habka jallaabashada casriga ah.
Goobjoog News