U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada oo Shaacisay Xilliga Imtixaanka Shaadiga ah La Galayo

Sheeko:Waxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ayaa shaacisay xilli ay qaadayso Imtixaanka Fasalka 12-aad ee dugsiga sare, kaas oo sanad waliba ay wasaaraddu ka qaado ardayda ka qalin badalaneysa dugsiga sare.

Wasaaradda ayaa ku dhawaaqday in imtixaanka ay Ardayda Soomaaliyeed u fariisan doonaan 27 bisha May oo ku beegan maalin Sabti ah, waxaa sidoo kale la filayaa in wasaaradda ay soo saarto Jadwalka iyo Ardayda galeysa.

Imtixaankaan oo ah mid midaysan ayaa waxaa laga qaadaa arday ku sugan gobolka Banaadir, maamullada kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, marka laga reebo ardayda deegaannada Puntland.

Goobjoog News