U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo Dib u Dhigtay Waqtiga Imtixaanka Shahaadiga ah

Sheeko:Waxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee doowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in wasaaraddu dib u dhigis ku sameysay qabashada Imtixaanka Shahaadiga oo sanad weliba laga qaado arday dugsiayada sre iyo kuwa dhexe ee arday deegannadaas.  iyadoo lagu madlansanaa in Imtixaanka la qabto 30-5-sanadkaan 2020-ka.

Qoraal kooban ka soo baxay Xafiiska wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan oo  la gaarsiiyey  Maamulayaasha goobaha waxbarashada iyo Mas’uuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa lagu sheegay in Imtixaanka Shahaadiga ah dib loo dhigay lana geli doono 27-June 2020 -ka sababo la xiriira xanuunka Coronavirus taas aan saamaxeynin in ardaydu isgu yimaadaan goob qura oo Imtixaanka looga qaado.

Halkaan Ka Akriso

Goobjoog News