U bood dhigaalka

Washington Oo Cuno-Qabatayn Kusoo Rogtay Saraakiil Ka Tirsan Itoobiya Iyo Ereteria

Sheeko:Caalamka

Bayaankan oo uu soo saaray Madaxweynaha Maraykanka Joe biden, oo ku saabsan Xaalada Ethiopia, ayaa lagu yidhi sidan tan

“Colaadda ka aloosan woqooyiga Itoobiya ayaa ah masiibo sababaysa dhibaato aad u weyn oo bani’aadamnimo waxayna halis ku tahay midnimada dawladda Itoobiya, Ku dhawaad ​​hal milyan oo qof ayaa ku nool xaalado macluul waxayna Qarka usaaran yahiin geeri’, malaayiin kalena waxay la kulmaan cunno yari ba’an oo toos uga dhalatay rabshadaha”

Waxa uu sido kale sheegay madaxweyne Biden in hay’adaha samafalka itoobiya iyo kuwa caalamiga ah ay lakulmeen dhibaatooyin intii usocday dagaalku…

“Shaqaalaha samafalka ayaa la xanibay, la dhibaateeyay, lana dilay, Waxaan ka xunahay warbixinnada naga soo gaaraya Ethiopia ee ku saabsan Dil wadareedyo, kufsi, iyo xadgudubyo kale oo galmo kuwaas oo lagula kaco Dadka Rayidka ah”

Dhanka kale madaxweyne Biden waxa uusheegay in Mareykanka ka go’antahay inuu Tageero itoobiya si xaalada Colaaded nabad logu xaliyo khilaafkana looso afjaro, isagoo ballan qaaday in ay taageero buuxda siin doonaan kuwa hormuudka u ah dadaallada dhexdhexaadinta, oo uu ku jiro Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Geeska Afrika Olusegun Obasanjo.

Mar uu ka hadlayay dhanka cuno qabtaynada Madaxweyne Biden aya yiri:-

“Amarka Fulinta ee aan saxiixay maanta wuxuu ogolaanayaa in cunaqabateyn cusub lagu soo Rogo cid walba oo ka qayb qadatay, Gabood fallada ka dhacay Waqooyiga Ethiopia inago ku Bartilmaansayna cid walba oo mas’uul ka ah, ama ku lug leh, sii Wadida colaadda Itoobiya, ama hor ishor-taagta gargaarka bani’aadamnimo, ama ka hortagga xabbad -joojinta.

Waxa uu sii raaciayay madaxweyne Biden “Waxaan siinayaa Waaxda Hanti -dhowrka awoodda lagama maarmaanka u ah inay la xisaabtanto Saraakiil ku jira Dowladdaha Itoobiya, Iyo Eritrea, Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga ee TPLF, Dowlad-deegaanka Amxaarada, iyo kuwo kale, oo doonaya inay sii wadaan colaadda si ay u waxyeeleeyaan shacabka Itoobiya.

Ugu dambeeyn waxa uu tilmamay mr Biden in xayiraahdahan dhaqaale aysan saameyn ku yeellan doonin shacabka dalaka Itoobiya iyo Ereteria:-

“Cunaqabatayntani ma aha mid ku wajahan dadka Itoobiya ama Ereteriya, ee waxaan ku Beegsannay shakhsiyaadka iyo hay’adaha rabshadaha wada”.

Tallaabadan uu qaaday Aqalka cad aya kuso aadaysa iyado itoobiya ay kasocdaan haatan coladihii ugu cusla muddo 11 Bilood ah, waxana dhinacyadu foodda isku darayaan gobolada amxaarada iyo cafarta.