U bood dhigaalka

 Washington Oo Diblomaasiyiin Ruush Ah Ceyrineysa Iyo Kremlin-ka Oo Jawaab Ka Bixiyay

Sheeko:Caalamka

Dowladda Mareykanka ayaa Khamiistii u qabatay 72 saac in ay dalkeeda uga baxaan diblomaasiyiin u dhashay dalka Ruush-ka.

Arrintan ayaa timid kadib markii lagu eedeeyay raggaasi in ay ku lug lahaayeen fadeexad la xiriirto weerar la sheegay in loo geystay doorashada ka dhacday Mareykanka ee uu ku soo baxay Trump.

Dhinaca kale Dalka Ruush-ka waxaa ay sheegeen ig go’aankan uu dib u dhigayo soo celinta xiriirka labada dal, oo aad xumaa muddooyinkii ugu dambeeyay.

Ruushka ayaa waxaa ay ku doodayaan in Obama uu doonaya in uu sii xumeeyo xiriirka labad dal, waxaase la filayaa in wax badan is badali doonaan kolka uu xukunka la wareego Trump 20-ka January 2017-ka.

Goobjoog News