U bood dhigaalka

Wasiir Bashiir “Wasaarada Ciyaaraha Dowladda Dhexe Ha Kala Saarto Siyaasada iyo Isboortiga”

Sheeko:Cayaaraha

Bashiir Maxamed Aw Cali oo ah wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada maamulka Galmudug oo marti ku ahaa Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog ayaa sheegay in aysan wax wada shaqeyn ah aysan kala dhaxaynin wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda dhexe loona baahan yahay in la siyaasadeen fursada horomarinta dhalinyarada iyo kobaca horomarka isboortiga deegaanada Galmudug.

“Wasaaradeena waxa ay la shaqaysaa dhamaan qeybaha kala duwan ee horomarinta dhalinyarada iyo xiirarada dalka ka jira,balse wasaarada ciyaaraha fedraalka kama helino wax gacan qabasho” ayuu barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog u sheegay Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada maamulka Galmudug Bashiir Maxamed Aw Cali.

Mudooyinkii danbe ma wanaagsaneen xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug,balse wasiir Bashiir waxa uu madaxda dalka ka codsaday in aan la siyaasdeen arimaha fursadaha dhalinyarada iyo horomarinta ciyaaraha deegaanka maamulka uu wasiirka ka yahay.

“Wasaarada Ciyaaraha Dowladda dhexe waxaan ka rajaynaa in ay si wanaagsan u fahmi doonaan in isboortiga uu ka madaxbanaan yahay arimaha la isku hayo door wanaagsan ay ka qaataan taageerada iyo horomarinta dhalinyarada Soomaaliyeed”waxaa sidaas Xeyndaabka ugu waramay wasiir Bashiir Maxamed Aw Cali oo ah wasiira ciyaaraha iyo dhalinyarada maamulka Galmudug.

Halkan Ka Daawo Qeyb Ka Mid Ah Waraysiga Uu Goobjoog Siiyay Wasiir Bashiir

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/321007715259536/