Wasiir Beyle: Qabiilbaa Maxkamad Noo ah

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah Soomaaliya Cabdiraxmaan Belye oo sabtidii hor yimid golaha shacabka si uu isaga difaaco eedeynta guddiga maaliyadda ee golaha ayaa dhinaca kale sheegay in dalka aaney ka jirin wax maxkamado ah.
Mr. Belye oo arrintaas ka hadlaayo wuxuu yiri “arrimaha meeshaa lagu soo qoray waa malo-awaal, arrin suuq ah iyo kutiri-kuteen, la habeeyey, oo dabadeedna internetka la geliyey, adduunyada kale maxkamad aya ala isgeyn lahaa sow ma aha, tanoo kale adduunyada kale, I can tell you, maxkamad ayaa la isgeeyaa, ee innaga maxkamad miyaan leenahay, qabiilbaa maxkamad noo ah sow ma aha”.
Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ma sii faah-faahin ujeedka iyo sababta uu sidaa u yiri, laakin taasi waxaa ay ka hor imaaneysaa dadaalladii uu sheegay madaxweyne jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Mudane Farmaajo waxaa uu mar hore ballan-qaaday inuu hagaajin-doono ama isbadal ku sameyn-doono garsoorka dalka, isaga oo guddoomiyaha maxkamadda sare u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed, waxaa kale oo isbadal lagu sameeyey 6 ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda sare iyo guddoomiyeyaasha maxkamadaha gobolka Banaadir.
Goobjoog News
Your article is very good, I have read many articles but I am really impressed with your posts. Thank you, I will review this article. To know about me, try talking to me.
Rmaolk zeqvzd Cialis delivery is there a generic for cialis
Mamqft bifwsd genaric viagra generic cialis canada
Oxtbwv azwvar viagra 50mg cialis coupon walmart
Pkvzub tlixza Buy cialis rx pharmacy