Wasiir Jamaal Maxamed Xasan Oo Noqday Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa ku dhawaaqay in wasiirka wasaaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan uu noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarkamaanka federaalka ah.

Kursigan oo ay ku tartamayeen Jamaal Maxamed Xasan iyo Maxamud Cabdullahi Maxamed waxaa codeeyey 51 ergo.

Jamaal Maxamed Xasan  waxaa u codeysay 49 ergo, Maxamud Cabdullahi waxbo ma helin halka 2 cod halaabeen.

Kursigaan doorashadiisu dhacday ayaa waxaa iska casilay Dhahar Cali Faarax kadib markii loo magacaabay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti.

Goobjoog News

Related Articles

6 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW