U bood dhigaalka

Wasiir Ku Xigeen Hore Oo Xildhibaan Noqday

Sheeko:Baarlamaanka

Cabdishakuur Cali Mire oo horey u soo noqday wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga mid noqday baarlamaanka federaalka.

Doorashada aqalka hoose ee ka socotay maalmahan magaalada Cadaado ayaa uu ku soo baxay Cabdishakuur Mire waxaana la tartamay musharrax Cabdirisaaq Cali Jaamac.

Guddiga doorashada aqalka hoose ee Cadaado ayaa markii codeynta ay dhammaatay kadib shaaciyay doorashada dhacday natiijadeeda.

Waxay sheegeen guddiga in Cabdishakuur Cali Mire uu ku guuleystay codad dhan 49 cod halka mudanihii la tartamayay uu helay 2 cod oo kaliya.

Waxaa sidoo kale jiray afar musharrax oo kale oo kursigani u tartameysay kuwaasoo iyana goobta aan xaadir ku ahayn maanta.

Doorashada aqalka hoose ee Cadaado ayaa gebogebo mareysa waxaana dhiman doorashada hal kursi oo kaliya 36 xildhibaan oo laga soo dooranayo magaalada Cadaado kuwaasoo 35 kamid ah la soo doortay.

Goobjoog News