U bood dhigaalka

Wasiirka arrimaha dibada xukuumadda oo ka warbixiyay safar uu ku tagay Spain

Sheeko:War
DSC_0395
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo shir jaraa’id ku qabanaya gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku tagay xarunta dalka Spain ee Madrid.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay hoolka nasashada ee garoonka ayaa sheegay in intii uu ku sugnaa dalka Spain uu kulamo kala duwan halkaas kula yeeshay wasiirro ka tirsan dowladda Spain.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dowladda Spain isla gaareen qodobo muhiim u ah xiriirka labad dal, isagoo hadalkiisa intaa ku daray in qodobo dhowr ah ay isla gorfeeyeen wasiirada arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga Spain.

Wasiirka ayaa xusay ina Dowladda Spain ay u balan qaaday inay kala shaqeyneyso dhinacyada amaanka dhaqaalaha iyo la dagaalanka Burcad badeeda ku xoogeysatay Soomaaliya,

Ugu dambeyn, wasaiirka ayaa  sheegay in ay dhaqaalo u ballan qaaday dowladda Spain kaasi oo wax looga qabanayo arrimaha dhaqaalaha, ammaanka iyo la dagaalanka Burcad badeeda Soomaaliya.

Wararka Goobjoog news