U bood dhigaalka

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo gaaray degmada Buulo-burde

Sheeko:War
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Ujeedka booqashada Cabdullaahi Goodax Barre ee Buulo-burde ayaa lagu sheegay u kuur galidda ammaankadegmada iyo xallinta dagaal beeleedyo todobaadyadii hore ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Todobaadkii tagay ayay ahayd markii wafdi uu hor kacayo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda federaalka Soomaaliya uu booqasho ku tagay magaalada Beledweyne si loo xaliyo xurgufta soo kala dhex gashay maleeshiyaadka ku dagaalamay deegaanada Kabxanley iyo Deefow.

Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu gaaro degmada Maxaas iyo deegaano kale.

Booqashada wafdigan uu ku tagay gobolka Hiiraan ayaa ka dambeysay markii uu ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed uu dagaalladaas u magacaabay guddi heer wasiiro ah oo ku baxa colaada gobolka.

Dagaaladan ayaa sababay dhimashada dad gaaraya 20 ruux iyo dhaawac iyo bara kac.